26.8 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Puntland oo runta u sheegtay DF “Ma jirto deeq aan idinkaga baahanahay”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online) Maamulka Puntland ee uu hogaamiyo C/raxmaan Sheekh Maxamuud Faroole, ayaa ka dhawaajiyay inaysan dowlada Somalia ka helin deeqdii halka milion aheyd ee ay u balan qaaday inay kaga qeyb qadaneyso dhibaatadii deegaano ka mid ah gobolada Maamulkaasi ka dhacday.

Isagoo saxaafada kula hadlayay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland Wasiiru Dowlaha Maamul Wanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise Gaashaan, ayaa waxa uu sheegay in aysan jirin deeq ka timid  Dowladda  Soomaaliya  oo Puntland soo gaartay.

Wuxuu sheegay in dowlada Somalia ay balan qaad kaliya sameysay hayeeshee aysan ka qeyb qaadan gurmadkii deg dega ahaa ee loo fidiyay dadkii ay waxyeelada kasoo gartay duufaantii ku dhifatay qeybo ka mid ah Puntland.

Mr: Gaashaan, wuxuu sidoo kale sheegay in xilligan aysan jirin baahi loo qabo  gurmad lala soo daahay, sida uu hadalka u dhigay , waxaana uu shaaciyay inay jiraan hanto badan oo lagu bixiyay u gurmashada dadka ay saameynta xoogan kasoo gaaratay duufaantii gobolada Bari iyo Nugaal.

Maamulka Gobalka Banaadir, maalin kahor wuxuu shaaca ka qaaday inay uruuriyeen iminkana ay  gacanta ku hayaan lacag gaaraysa $270,822, dhar iyo sidoo kale raashin, dhawaana aygaarsiin doonaan Puntland gaar ahaan degaanada dhibaatada ay ka dhacday.

Qoysas badan aya ku ceyroobay duufaan ku dhifatay qeybo ka mid ah Puntland halka qaarkoodna ay ku nafwaayeen, waxaaana hey’ada Caafimaadku ay sheegayaan in goobaha ay duufaantaaasi ku dhifatay inay ka dilaacee cuduro aan la aqoon.

Puntland hore waxay u sheegtay inay xiriirka u jartay dowlada Somalia kadib markii sida ay sheegtay wax ka badal lagu sameeyay dastuurka dalka .

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News