29.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Xog: Ajaanib lagu qabtay Kismaayo oo la wareejiyay (Yaa loo gacan galiyay?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) Warar lagu kal soon yahay oo ay heshay Shabakadda Caasimada Online, ayaa muujinaya in maamulka KMG ah ee Jubba ay ku wareejiyeen ciidamada AMISOM ee ku sugan Kismaayo labo nin oo ajnebi ah kuwaasoo dhawaan laga qabtay dekedda Kismaayo.

Ilo xog-ogaal oo diidday magacooda ayaa noo sheegay in labadan nin oo u dhashay dalka Kenya iyo Tanzania ay la socdeen markab ka yimid Muqdisho oo ku xirtay labo maalin ka hor dekedda Kisamayo.

Raggan ayaa laga shakiyay, markii ay ka soo dageen markabka iyagoo wax fasax weydiisan maamulka dekedda sidaas waxaa noo sheegay ilaha aan warkan ka soo xiganay.

Markii la ogaaday in raggan ay yihiin ajnebi, waxaa maamulka Kismaayo ay wareysi qarsoodi ah la yeesheen kabtankii waday markabka kaasoo sheegay in uusan wax aqoon ah u lahayn raggan la socday markan uu wadahayh ka yahay.

Si kastaba, ma jirto wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay maamulka Axmed Madoobe, marka laga reebo in ay saxaafadda u sheegeen in la qabtay rag ajnebi ah.

Dhinaca kale, labadan nin ayaa waxaa hadda lagu hayaa dusha markab dagaal oo ay lee yihiin ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo, waxaana loo wareejin doonaa magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya si halkaas baaritaan loogu sameeyo.

Magaalada Kismaayo waxaa waayahan dambe ku soo badanaya falalka ammaan darada, iyadoo dilal iyo qaraxyo kala duwan ay ka dhaceen dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News