25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Puntland oo digniin culus u dirtay DF xilli xiriirka labada dhinac uu sii xumaanayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Kulan ay golaha xukuumada dowlada Puntland ku yeesheen xarunta State House shalay, ayaa waxaa lagaga hadlay xiriirka wada shaqeynta dowlada Federaalka iyo Puntland kaas oo laga soo saarey digniin.

“Golaha xukumada dowlada Puntland ayaa  cadeeyey in Dastuurka dowlada Federaalka yahay mid qabyo ah islamrkaana aan kooxna si gooni ah u takri fali-karin awoodihiisa.” Ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Puntland.

Puntland ayaa sidoo kale u dirtey fariin golaha Barlamanka Federaalka Somalia iyadoo sheegtey iney horyaalaan xeerar farabadan oo u baahan in laga baaran dago inta aan sharci laga dhigin hadii kale waxay ka digeen in takaabadaan keeneyso khilaaf kale oo hor-leh.

Xiriiraka dowlada Federaalka ah iyo Puntland ayaa asbuucyadii ugu dambeeyey gaarey heerkii ugu hoseeyey kadib markii dhowaan wasiirka Kaluumeysiga dowlada Federaalka Puntland ku eedeyey iney u dhaqmeyso sidii dowlad madax-banaan.

Dowlada Federaalka ayaa dhinaca kale dhowaan waxba  kama jiraan ka dhigtey ruqsad Kaluumeysi oo dowlada Puntland siisey Maraakiib Kaluumeysi kuwasoo laga leeyahay dalka Thailand.

Maraakiibtaas ayaa iminka qayb kamid ah lagu haystaa dalka Thailand iyadoo wararka aan ka heleyno sheegayaan in kaluunka ay sideen lagu xaraashayo suuqyada dalkaas.

Xukuumada Ra’isal wasaare Khayre ayaa tan iyo intii ay heshay kalsoonida Barlamanka Federaalka Somalia waxay dabada ka riixeysay in beesha caalamka ku khasabto in dalka Somalia kasoo galaan hal irid.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News