Puntland oo digniin culus u dirtay SHAQAALAHA QM

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa digniin adag u dirtay shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugan deegaanadeeda, kuwaasi oo qaarkood ay diideen inay bixiyaan canshuurtii, sida uu sheegay xeer ilaalinta Puntland.

Maxamed Xareed Faarax, Xeer ilaaliye ku-xigeenka Puntland oo arrintaasi ka hadlay ayaa sheegay inay jiraan Afar qof oo kamid ah howl-wadeenada UN-ka oo diiday bixinta canshuurta ay ku waajabisay dowlad goboleedka Puntland, islamarkaana laga qaadi doono tallaabo.

Xeer ilaaliye ku-xigeenka ayaa ku hanjabay in xubnahaas ay maxkamad horgeyn doonaan, haddii ay canshuurta ku bixin waayaan kama dambeyn 3-da bisha 4-aad ee 2021-ka, sidoo kalena waxa uu xusay inay jiraan 5 xubnood oo kale oo ayaguna aan weli bixin canshuurta oo ka tirsan UN-ka.

Afarta xubnood ee ay dowladda goboleedka Puntland ay sheegtay inay deg-deg u bixiyaan canshuurtooda, ayaa waxay ku kala sheegtay magacyadooda; Cabdinuur Xasan Axmed, Xersi Xuseen Nuur, Maxamed Cabdullaahi Farax, Nuuradiin Saciid Maxamed, dhamaantoodna waxay u shaqeeyaan hay’adda WHO oo kamid ah hay’addaha waaweyn ee UN-ka.

Ma aha markii u horeysay ee maamulka Puntland uu soo bandhigo magacyada xubno ka howl-gala Hay’addaha UN-ka oo ay ka dalbanayaan inay bixiyaan canshuurta, waxayna dhowr jeer oo hore xeer ilaalinta Puntland baahisay magacyada shaqaale ay sheegtay inaysan bixin canshuurta.

Si kastaba, shaqaalaha uu maamulku digniinta u dirtay ayaa badankooda waxay ka howl-galaan oo ay ku sugan yihiin goballada Bari iyo Mudug, waxayna isugu jiraan ajaaniib iyo Soomaali ka wada howl-gala hay’addaha Qaramada Midoobay.