‘Saraakiil qaraabada ah ayaa ciidanka hogaaminayay’ – Mahad Salad oo xog bixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah 15-kii xildhibaan ee lagu ganaaxay in aysan ka soo qeyb gelin shanta fadhi ee soo socota ee golaha shacabka ayaa soo saaray qoraal uu uga faaloonayo wixii ay maanta kala kulmeen ciidamadii ammaanka ee loogu tala galay inay ka celiyaan afaafka hore ee madaxtooyada, si aysan u xaadirin kulankii maanta ee golaha.

Waxa uu sheegay in ciidamada la dhigay goobaha loogu tala galay in aysan soo dhaafin iyo kuwa iyaga istaafka u ahaa ay qaraabo noqdeen, taas oo ka baajisay wixii dhib ka dhici lahaa halkaas, isla markaana ay dib uga laabteen markii ay wada-hadleen saraakiishii hoggaamineysay ciidanka xirtay wadooyinka.

Hoos ka aqriso qoraalka Mahad Salaad

SAAKAY MAXAA DHACAY. MAXAASE NALA GUDBOON?

Isgoyska Dabka iyo Ceelgaabta oo ah irdaha Madaxtooyada laga galo marka loo socdo xarunta Golaha Shacabka ayaa saakay nagula celiyay aniga iyo Xildhibaano kale oo u socday shirkii Golaha Shacabka. Ciidamada na celiyay waxay ahaayeen kuwa Booliska waxaana hoggaaminayay saraakiil qaraabada ah oo sida la ii sheegay xalay la soo xulay, malaha Farmaajo wuxuu islahaa hadii wax dhacaan kuwa dhimanaya iyo kuwa laga dhimanayo isku iyaga ha noqdeen. Ciidamada kale Fahad iyo Farmaajo ku talagaleena waxaa la ii sheegay in ay dhoobnaayeen irida Madaxtooyada ilaa Villa Hargeysa oo ah Xarunta Golaha Shacabka!

Nasiib wanaag ciidamadii nala socday iyo kuwii meesha aan ugu nimid dad qaraabo ah oo isgaranaya ayay ahaayeen. Saraakiishii ciidamadaas watay waa noo yimaadeen, mana rabo in aan ka faalloodo wixii ina dhex maray lkn waxaan rabaa inaan u mahadceliyo, kuna amaano shaqada ay dalka u hayaan iyo fahamkooda ku aadan marxalada siyaasadeed iyo mida amni ee dalku ku suganyahay.

Hadaan u soo laabto biyadhaca hadalkeyga markaan oo kale Soomaalidii hore waxay dhihi jireen “NINKII LOWGA KAA GUBA XAGASHA AYAA LAGA GUBAA”. Rag aan isdayno wuxuu ku dhaamo la waa ee shirarka jaraa’id iyo sheekadaan aan dhamaadka lahayn inta la iska dhaafo, hayin hala noqdo ama heeryada Farmaajo hala iska dulqaado!