Puntland oo digniin u dirtay musharixiinta la tartameysa madaxweyne C/Weli Gaas

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Putland ayaa digniin u diray musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Puntland ee la tartameysa madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo C/Welli Maxamed Cali Gaas.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xersi Qarjab oo warbahinta la hadlayay ayaa sheegay in marnaba aysan aqbaleyn musharax gaadiid badan la yimaadan magaalada Garowe inta olalaha doorashada lagu jiro.

Wasiir Qarjab, ayaa sheegay inay iyaga masuul ka noqonayaan amaanka musharaxa doonaya inuu la tartamo C/Welli Gaas, balse aysan aqbaleyn musharax ciidamo beeshiisa ah la taga magaalada Garowe.

Musharixiinta ayuu ugu baaqay inay ilaaliyaan xeerarka u degsan maamulka Puntland, isagoo sidoo kale ka digay in musharixiinta ciidamo badan yeeshaan, taasi oo uu ku micneeyay in amniga wax u dhimi karaan.

“Ninkastaa oo musharax waa lasoo dhawenayaa, amnigiisa dowladda masuul ka ah, waardiyahiisa gaarka ah waa loo ogol yahay, laakiin baabuur isdaba yaacayo oo reerahiisa daba yaacayaan lama ogola, halkaan reera xukumi maayaan, waan idin soo dhaweyneynaa laakiin saxmad lama ogola”

Taasi badalkeeda wasiirka warfaafinta ayaa ugu baaqay inay ka qeyb qaataan ilaalinta amaanka xuduudaha,waxaana uu sheegay inaysan aqbaleyn in musharax dhaqaalo soo qaatay inuu wax ka badalo amaanka deegaanada Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com