Xog: Yaa Shiikh Shaakir ku cadaadiyey inuu la safto DF oo uu Xaaf ku xumeeyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi Samad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo hore u soo noqday Wasiirkii arrimaha gudaha Somaliya iyo Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Somaliya, ayaa wada olole saf ballaaran leh oo ka dhan ah Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele (Xaaf).

Sida ana xogta ku helnay, Cabdi Samad, ayaa ah shaqsiga Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ku cadaadiyay, inuu la safto dowladda dhexe, kana soo hor jeesto mowqifka Madaxweyne Xaaf.

Ninkan, waxaa dhalay Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax waana Gudoomiyaha guud ee Ahlu-Suna Wal Jamaaca, iyadoo aan jiri karin shaqsi ka hor iman kara rabitaanka wiilkiisa.

Madaxa Xukuumada Galmudug, ayaa talaadadii ka hor ka soo horjeestay in la hakiyo xiriirka dowladda dhexe iyo Galmudug, wuxuuna taageeray gogosha uu fidiyay Madaxweynaha Dalka Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), taasoo uu isugu yeeray maamul goboleedyada dalka ka jira.

Cabdi Samad Macalin Maxamuud oo la rumeysan yahay inuu yahay ruuxa go’aanada Siyaasada ee Ahlu-Suna iska leh, ayaa khadka tilifoonka kula hadlay Sheekh Shaakir, wuxuuna u sheegay inuu meel iska dhigo qodobada ka soo baxay shirkii 24-ka bishan ku soo dhamaaday Garoowe ee golaha iskaashiga dowlad goboleedyada.

Cabdi Samad Macalin, ayaa wararku sheegayaan inuu saaxiib dhow la yahay xukuumadda Soomaaliya.

Xukuumadda ayaa lagu warramayaa inay Cabdi Samad u ballan-qaaday in hadii uu ku guuleysto dagaalkan ka dhanka ah Madaxweyne Xaaf, lagu abaal-marin doono xil wasiir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com