Kenya oo shaacisay qodob lagu xalin karo muranka ka taagan badda Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Xildhibaan Aadan Barre Ducaale, ayaa shaaciyay inuu wanaagsan yahay xiriirka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya, sidii loo doortay madaxweyne Farmaajo.

Somalia iyo Kenya waxaa ka dhaxeeya dacwad dhanka Badda ah oo ay furtay dowladii ka horeysay tan hadda dhisan, waxaana xildhibaan Aadan Barre uu sheegay in laga wanaagsanaa in dacwadda horey maxkamad lala aado.

Wuxuu sheegay  in dowladdaha aduunka ay isku qaban karaan dhanka xuduuda badda iyo dhulka, laakiin wuxuu sheegay in loo baahnaa in lagu xaliyo hanaan diblumaasiyadeed.

Xuduuda u dhaxeysa Somalia iyo Kenya ayuu sheegay inay tahay mid cad oo muru uusan ka imaan karin, balse hadda waxaa jiro murun badeed u dhaxeeya dowladaha Somalia iyo Kenya.

“Somalia iyo Kenya maanta mey noqonin dad jiiraan ama ah deris ah, Intaan aan garanayo badda Somalia iyo Kenya meel ayay isaga imaanayeen, xuduuda Kenya ama dhul iyo bad ha ahaado, waa mid sida maalin iyo habeen loo kala garto isaga cad”

“Wadanka Somalia iyagaa dacwadda aaday waana soo dhaweyneynaa, waxaana diyaar u nahay inaan hab diblumaasiyadeed u xalino, murunka badda ee labada dowladood u dhaxeeyo”ayuu yiri Aadan Barre Ducaale.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay wali diyaar u yihiin in hanaan diblumaasiyadeed loo xaliyo khilaafka dhanka badda ee u dhaxeeya labada dowladood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com