AFAR waxyaabood oo laga bartay khudbadii Roobow uu ka jeediyey Baydhabo

Baydhabo (Caasimadda Online) – Caadiyan siyaasi u carareya mansab siyaasadeed hadal macaanidu waa xeeladda helitaanka hiwaayadiisa, laakiin qormadan gaaban waxaa ugu gol leeyahay in aan tilmaamo fahamkeyga khudbadii Mukhtaar Roobow uu u jeediyay dadweynihii u badnaa dhalinyarada Baydhabo.

Siyaasiyiinta ku jir olole, khubadbadahooda waxaa ka buuxa ereyo macaan oo ay kamid yihiin; balan qaad, yabooh iyo qorshiyaal inta badan loogu talo gelin in la fuliyo laakiin lagu dabanayo maskaxda codbixiyeyaasha, waxaana dhibaato ku noqota sidii u fulin lahaayeen balamihii ay qaadeen ka hor helitaanka mansabkaas siyaasadeed ama jagadaas.

Dhibaatada ka dhalata balan qaadyo been ah oo ay sameeyeen xilliga ololaha doorashada ayaa maanta caqabad ku ah siyaasiyiin badan oo xilal kala duwan haya ama soo qabtay Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka, taasina waxaa keeni karto labo arrimood; in uu siyaasiga xil doonka ahi uusan wax badan kala socon deegaanka uu xilka ka raadinayo uu waxyaabo badan ku fududaayo ama in uu kast u sameeyo oo ay ka tahay aad ku gaartid dantaada.

Hadal gaaban oo u jeedo leh ayuu Mukhtaar Roobow u mariyay dadkii halkaas ku sugnaa, iigama muuqan balan qaadyo mucziyo ah ama waali ah, marka aan sidaa leeyahay waxa u jeedaa Roobow waxaa uu diiradda saaray mowduuca waxbarashada maadaama uu la hadlaayay bahda waxbarashada. Taasi ayaana I bidhaamisay in uu yahay hoggaamiye hadal yaqaan ah.

Diiradda

Intii uu la hadlaayay dadkii goobta joogay waxaa uu khudbadiisa ku kooban waxbarashada iyo waxaa uu ka damacsan yahay, marka uu ku guuleysto xilka madaxweyne ee Koofur Galbeed, isagoo sheegay in uu arday iyo macalinba yahay isla markaana qorshihiisu yahay kobcinta iyo baraarinta waxbarashada deegaanada Koofur Galbeed.

Waxaa uu tilmaamay in waxbarashadu tahay waxa keliya lagu gaaro horumar adduun iyo aakhiro ayna ka go’an tahay u adeegida iyo adeegsiya aqoonta, in la sameyn doono maktabad weyn oo laga heli karo duruusta Diiniga iyo tan maadiga iyo tayeynta waxbarashada sare ama jaamacadaha magaalada Baydhabo.

Aqoonta iyo xukunka

Mukhtaar Roobow, waxaa uu balan qaaday marka la doorto in uu u yeeri doono dhammaan aqoonyahnada reer Koofur Galbeed dal iyo dibad meel kasta oo ay joogaan isla markaana dowladdiisa ay hogaamin doonaan dad aqoon yahno ah oo ummaddu aaminsan tahay kuna kalsoon tahay.

Waxaa uu xusay in qof kasta kaalintiisa ka ciyaari doono dowladda uu yegleeli doono marka la doorto, “qofkii qalin wax ku tari kara waa rabnaa, qofkii qori ku dagaalami kara waa rabnaa qofkii talo ama qorshe wax ku difaaci karana waa diyaar,” ayaa hadaladiisa kamid ahaa Roobow.

Waxayna tahay arrin xiiso badan sababtana waxaa weeye, maamulka Koofur Galbeed iminka haya ayaan looga baran soo dhoweynta aqoonyahnada, Roobow wuxuu fahamsan yahay qiimaha aqoonta iyo cilmiga, haddii balantaas ka dhameeyo waa hubanti in uu guuleysan doono hogaankiisa.

Libanta dadka kale

Intii uu hadlayay waxaa ka muuqatay kalsooni iyo isla weyni la’aan, waxaa uu u mahad naqay dadkii magaalada Baydhabo ka bilaabay iskuulaadka wax laga barto iyo jaamacadaha, waxaa uu magac dhabay shakhsiyaadka arrintaas ka dambeeyay, waana arrin muujinayso ahmiyadda uu siinayo in dadka bulshada ka tilmaaman loogu mahadceliyo wax ka qabadkooda, taas oo ah wax siyaasiyiinta Soomaalida badankooda looga baran.

Roobow marna ma isticmaalin ereyga aniga ee waxaa uu carrabkiisa ku soo laa laabanayay ereyga ah “anaga haddii aan guuleysano”  oo laga dhadhansan karo in haddii uu guuleysto la micno tahay guusha bulshada isla markaana uu rabo dadka in ay sidaa u fahmaan.

Waxaa uu si aan la leex leexad laheyn, u codsaday in garabkiisa la taagnaado, isagoo tusaale u soo qaatay Ayadii SUURATUL MAA’IDA ee reer Banii Israa’iil Nabi Muuse CS ay ku dhaheen Muusow adiga iyo Rabigaaga baxa oo soo dagaalama anaga halkaan ayaa fadhineynaa, taas oo aan aheyn dhaqanka wanaagsan oo bulshada madaxdeeda la hor tagi karto.

Sidoo kale, Roobow, waxaa uu u muujiyay dadka lahaansho in ay dareemaan  in dalkooda ilaashan karaan madaxdooda toosin karaan haddii khalad jiro isla markaana qof hogaamiyaha ah laga rabo aragti jaheyn karta bulshada oo lagula shaqeyn karo.

Waxaa kale oo aad uga muuqatay hadalkiisa in kurtiisanaanta ALLE ay fure u tahay gaaritaanka yoolka labada daarood, waana waxa looga baahan yahay in qofka hoggaamiyaha ahi uu bulshadisa u jaheeyo waddada saxda ah keeni kartana guul deg deg ah.

Hadal deeqsiin

Mukhtaar Roobow, waa nin aad ugu wanaagsan jeedinta khubadbado aan lagu caajisin, badanaa ma jeediyo ereyo meel ugu qoran, waxaa uu adeegsadaa xikmado iyo maahmaahyo oo uu ugu duur xulayo u jeedadiisa si loo fahmo waxa uu dadka kala hadlayo.

Waxaa kale oo aad u yaqaanaa fahaamsan yahayna dhaqanka dadka Soomaaliyeed taasi ayaana u sahasha in uu markasta isticmaalo tusaalooyin kala duwan oo u jeedada hadalkiisa iftiiminaya, waxaa uu mararka qaar aad ugu qoshliyaa dadka uu u khudbadaynayo marka uu ereyo kaftan ah ku laro hadalkiisa.

Roobow, waxaa uu durba muujiyay in uu la shaqeynayo marka la doorto qof aan isaga aheyn, waxaana uu ku kaftamay “ Aniga ma ahi Yaasiin anan ku jirin aqbal ma ahan” “haddii aan ku guuldareysto isla markaana la doorto qof ummadda dad u ah waan la shaqeynaynaa” ayuu yiri.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com