Hub saarnaa lix gaadiidka xamuulka ah oo la qabtay (Xagee ayey ku socdeen?)

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ee degmadaasi ay gacanta ku dhigeen lix gaari Candho-meed ah oo ku wajahnaa degmada Dhuusomareeb.

Gaadiidkaasi oo ku xayiran duleedka degmada Cadaado ayaa waxaa wararka ay sheegayaan inay saaran yihiin Kunteenaro hub ay ka buuxaan, sida wararka soo baxaya ay sheegayaan

Ma jiro masuul ku sugan magaalada Cadaado oo arintaan xaqiijiyay, balse gaadiidkaan ayaa ka yimid dhanka magaalada Gaalkacyo, wuxuuna ku wajahnaa magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

Arintaan ayaa aad looga hadal hayaa magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxaana socdo sidii loo xaqiijin lahaa in gaadiidka waxa saaran yihiin hub iyo inkale.

Lama oga halka gaadiidka ay hubka kasoo qaadeen iyo cidda uu rasmi ahaan ugu socday hubkaasi, waxaana madaxda magaalada Cadaado ka gaabsadeen inay faahfaahin dheeri ah bixiyaan ka hor baaritaanka inta uusan dhamaan.

Warar Caasimada Online heshay ayaa sheeaya in gaadiidka sidoo kale ay saaran yihiin dhar ciidan, ay ka yimaadeen dhanka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com