‘Arrin mooshin keeni karta ayaa ka jirta xafiiska Villa Somalia ee madaxweynaha’

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ahna wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somalia, Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa ka hadashay masuuliyadda baarlamaanka ka saaran meel marinta sharciyada dalka.

Khadiijo Diiriye, ayaa sheegtay hadal ku aadan in sharciyadda iska yaala xafiiska madaxweynaha ay keeni karaan mooshin xildhibaanada ka diyaariyaan madaxweynaha Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigtay.

Hadalka waxay jeedisay xili ay sharaxaad ka bixineysay muddada loo baahan yahay in xafiiska madaxweynaha ay yaalaan sharciyadda u baahan saxiixa u dambeeya ee madaxweynaha dalka.

Khadiijo Diiriye, ayaa sheegtay in sharciyadda iska yaala xaafiiska Madaxweynaha ee aan wali lagu soo saarin Faafinta rasmiga ah ee dalka ay ka dhalan karaan dambiyo ay ka mid yihiin Mooshin laga keeno Madaxweyne Farmaajo, waxayna sheegtay in xildhibaanada looga baahan yahay la xisaabtam arrintaas loo galo.

Xildhibaan Khadiijo, ayaa saaxiib dhow la ah ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweyne Farmaajo, waxaana hadalkaan ay sharaxaad dheeri ah kaga bixineysay waxyaabaha ka dhalan kara  sharciyada iska yaala xafiiska madaxweynaha.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa jiray warar soo baxayay oo ku aadan in xildhibaanada qaar ay wadaan mooshin ka dhan madaxweynaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com