Labo dhacdo cajiib ah oo ku soo kordhay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii ugu dambeeyay kusoo kordhay labo dhacdo oo mid kamid ah walaac badan ku abuuray dhalinyarada iyo dadka Garka iska jari jiray.

Askarta cusub ee lagu daadiyay waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho oo ay la socdaan dad dhar ah ayaa bilaabay inay timaha ka jaraan dhalinyarada sida xun tinta u jarta oo aad ugu badnaa magaalada Muqdisho.

Askartaan ayaa sidoo kale u diga dadka gerka iska xiira ee Shaarbaha deysta, waxaana dad badan ay isweydiinayaan dadka amarka siiyay dhalinyarada sidaasi sameyneysa iyo ujeedada laga leeyahay.

Dhalinyarada ayaa inta badan lagu qabtaa Bakaaraha iyo degmada Waaberi, halkaasi gaadiidka ugu badan ee dadweynaha ay adeegsadaan, waxaana ciidamada ay amraan in dhalinyarada sida xun timaha u jarta ay kasoo dagaan gaadiidka.

Dhinaca kale waxaa magaalada Muqdisho kusoo kordhaya dadka iska dhigaya inay lugaha la’yihiin, kuwaasi oo dadweynaha tuugsanaya, waxaana la arkay kuwo mararka qaar ka cararaya maqribadii goobta ay joogeen.

Dhacdooyinkaan ayaa ku badan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana hadda muuqata in isgoyska Km4 iyo meelo kale lagu arkayo dad sidaasi ku dawarsanaya, waxaana qaarkood ay kuu sheegayaan inay shaqo la’aanta ku sababtay inay sidaasi sameeyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com