Puntland oo eedeyn yaab leh u jeedisay Xasan Sheekh

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo wareysi gaar ah siiyay BBC ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka kala dhexeeya dowladda dhexe ee ku aadan arrimaha dastuurka dalka.

Ugu horreyn Juxa ayaa shaaca ka qaaday in aysan aqoonsan doonin wax ka beddel kasta oo lagu sameeyo dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Codkeennu sir maaha, waan ka hornimid haddii ay socotana taladeeda reer Puntland iyo annaga ayay noo taallaa” ayuu yiri wasiirku.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay horay uga digeen arrimo socda, gaar ahaan beddelida dastuurka, welina ay diidan yihiin, maadaama aan kaga wada tashay.

Wasiir arrimaha gudaha Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa eedeyn yaab leh u jeediyay madaxweyne Xasan, wuxuuna sheegay  inuu ku howlan yahay inuu baab’iyo nidaamka federaalka, si uu awoodda usoo galiyo gacantiisa.

“Waxaa muuqata awood uruurin, taladii inay ku uruurto gacan qura oo wixii dhan ay gacanta u galaan, taasna waxaan ka diidnay raggii isaga ka horreysay” ayuu yiri Juxa.

Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay inuu madaxweynuhu uu fashiliyay gogashii uu Garoowe dhigay madaxweynaha Puntland, taasoo looga hadli lahaa khilaafka taagan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo uu kasii darayo khilaafka Muqdisho iyo Garoowe, welina Villa Soomaaliya ay sii wato qorshaheeda ku aadan dhammeystirka dastuurka, waxaase diidan Puntland iyo madaxdii hore oo iyaguna maanta u furmay shir xasaasi ah.