R/W Xamza oo magacaabay guddi heer wasiir ah oo ka shaqeynaya doorashada…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo maanta soo saaray wareegto cusub ayaa magacaabay guddiga ka shaqeynaya loollanka ay Somalia ugu jirto doorashada hoggaanka Ururka Midowga Afrika.

Guddigan oo ka kooban lix xubnood oo wasiiro ah ayaa ka shaqeynayaa ololaha doorashada guddiga Midowga Afrika, ayaga oo taageero u raadinaya Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo Soomaaliya ku meteleysa doorashada kursigaasi, taas oo horay u soo noqotay ra’iisul wasaare ku-Xigeen iyo wasiirka arrimaha dibedda.

“Wuxuu ra’iisul wasaaruhu magacaabay guddi heer wasiir ah oo ka shaqeynaya qaban-qaabada ololaha doorashada guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika (Chairperson of the Afrika Union Commision) ee sanadaha 2025-2028” ayaa lagu yiri qoraalka Xamza.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah:- Biixi Iimaan Cige, Daa’uud Aweys Jaamac, Cabdirsaaq Cumar Maxamed, Cabdullahi Axmed Jaamac, Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) iyo Cali Maxamed Cumar.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa guddigan heerka wasiir faray inay gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, si ay Soomaaliya door ugu yeelato hoggaanka Midowga Afrika.

“Xubnaha guddiga sare ku xusan waxaa la farayaa inay sida ugu dhaqsiyaha badan u dardargeliyaan howlaha loog igmaday, kana keenaan gungaar dhameystiran” ayaa mar kale lagu yiri warqadda kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Magacaabistan waxa ay dhaqan-geleysaa marka uu saxiixo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.

Mudo xileedka hoggaanka sare ee Midowga Afrika ayaa ah afar sano, waxaana la rajaynayaa in doorashada soo wajahan ee Guddiga Golaha Midowga Africa ay dhex mari doonto Soomaaliya iyo Kenya oo ay u kala sharaxan yihiin Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo Raila Odinga.