Puntland oo Ethiopian-kii ugu badnaa dib ugu celisay Addis Ababa (Sawirro)

Garowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa dib ugu celiyay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ku dhawaad 50 ruux oo muhaajiriin ahaa kuwaasi oo si iskood ah isku diiwaan geliyay in dib loogu celiyo dalkooda.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland ayaa shaacisay in dadkaasi dalkooda dib loogu celiyay, kadib markii ay dalbadeen in la celiyo, waxana laga dhoofiyay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Puntland ayaa sheegtay in dhamaan dadkaasi la marsiiyay nidaamka caalamiga ah ee dib u celinta Muhaajiriinta, islamarkaana iyaga oo raali ah laga celiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Waxay ka koobnaayeen Rag, Dumar iyo Caruur tiro ahaan gaarayay 50 ruux, sida masuuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha ay warbaahinta u sheegeen.

Muhaajireentaan u dhalatay Ethiopia ayaa ka xoogsan jiray gudaha Puntland sida ay sheegtay wasaarada arimaha Gudaha, haatana waxay codsadeen in dalkooda dib loogu celiyo sidaasna ay u dhoofeen.

Puntland ayaa tan iyo horraantii sannadkan bilowday, dib u celinta soogalootiga Ethiopian-ka ee u badan qowmiyadda Oromada, balse dhinaca kale muhaajiriinta Oromada ayaa weli ku soo galaya  gudaha Puntland.