MAHAD SALAAD oo qormo XASAASI ah ku weeraray Sheekh NUUR BAARUUD

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku weeraray Sheekh Nuur Baaruud oo ka mid ah taageerayaasha dowladda, isaga oo ku eedeeyey inuu ka aamuso dhibaatooyinka ay dowladda ku hayso shacabka iyo xadgudubyada ay gaysato. Hoos ka aqriso qoraalka.

SHEEKH NUUR BAARUUD WALI KAMA HADLIN:

1. Dhiibistii Cabdi Kariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax).

2. Kumanaanka shacabka ah ee sida joogtada ah maalin walba loogu xasuuqayo magaalada Mogadishu.

3. Canshuurta laga qaado islaanta yaanyada suuqa ku gada ee lagu laaluushayo dad hoteelo jiifa ee aan shaqo dowladeed haynin!

FG: Sheekh Nuur wuxuu kamid ahaa shaqsiyaadka ku qornaa liiska lacag bixinta Bangiga Dhaxe usoo gudbiyay Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka ee lacago aan la sheegin waxa ay yihiin iyo sababta loo bixiyo bil walba lagu siiyo dad isugu jira siyaasiin, culimo, odoyaal iyo dhalinyaro aan xilal dowladda ka hayn lkn baraha bulshada ka difaaca Nabad iyo Nolol!

Haddaba, cidii shaki uga jiray Sheekh Nuur, waa kaasaa maanta Telefishinka qaranka lasoo taagan qabyaalada iyo kala qaybinta bulshada reer Mogadishu ee si fiican ha u arkeen.

Sheekha cayn meyno, ceebayna meyno ee waxaan ugu duceynaynaa ducadii Rasuulkeena NNKH:

اللَّهُمَّ إِنِّي أَعُوذُ بِكَ مِنْ عِلْمٍ لَا يَنْفَعُ وَمِنْ قَلْبٍ لَا يَخْشَعُ وَمِنْ نَفْسٍ لَا تَشْبَعُ.

Ilaahow waxaan kaa magan galnay Cilmi aan lagu faa’iidin. Qalbi aan cabsan iyo Naf aan dhergin. Aamiin.

Mahadsanidiin.

Hon. Mahad Salad