Ciidanka DF oo Muqdisho ka baadi goobaya kooxo rayid ku laayay Wadajir

Muqdisho (Caasimada Online) – Laamaha amaanka dowladda Somaaliya ayaa wali baadi goobaha dadkii ka dambeeyay dil wadareed dad rayid ah loogu geystay magaalada Muqdisho labo habeen ka hor.

Dilka ayaa waxaa ka dambeeyay Kooxo hubeysan oo la sheegay in aano qabiil ay kala dhaxeysay dadka lagu laayay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana wali ciidamada amaanka aysan soo qaban dadkii ka dambeeyay.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay inaysan wali gacanta kusoo dhigin dadkii ka dambeeyay dilka dadka rayidka ah, balse laamaha amaanka ay ku howlan yihiin sidii dadkaasi loosoo qaban lahaa.

Afhayeenka wuxuu sidoo kale sheegay in dadka dilka fuliyay markii ay falka geysteen inay ka baxsadeen Magaalada, waxaana loo malaynayaa inay u baxeen dhanka gobolka SHabeelaha Hoose.

Ehelada dadka lagu laayay degmada Wadajir ayaa xaqiijiyay in falka uu la xiriiro aano qabiil oo ka dhacday gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana falkaan uu noqonayaa mid saameyn ku reebay dadka ehelkooda la laayay.

Dowladda Soomaaliya wali wax war ah kama aysan soo saarin sida ay qoraalka kaga soo saareen dadkii bajaajlayaasha ahaa oo iyaga oo banaanbaxaya laga xeray degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Hay’adaha amniga ayaa ku howlan sidii dadkaasi loosoo qaban lahaa, waxaana xalay baaritaano laga sameeyay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com