XOG: Shirkii uu ku baaqay FARMAAJO oo fashilmay.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleedyadda ayaa diiday in ay ka qeyb galaan Shirkii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku dhawaaqay in uu Muqdisho ka furmo maanta oo ah 19-ka bisha April.

Qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleedyadda ayaa la sheegay in ay diideen in ay aqbalaan Casuumadda uu u diray qaarkood, waxaana ay ku xireen Shuruud.

Madaxda maamul goboleedyadda Galmudug, Jubbaland iyo Puntland ayaa hadda ku kala sugan Nairobi iyo Dubai, waxaana muuqata in uu baaqday Shirkii lagu waday in uu dhaco maanta.

Ilo ku dhow Madaxda maamul goboleedyada ayaa sheegay in shirka ay iska diideen Madaxda Puntland iyo Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa Shuruud ku xiray in uu ka qeyb galo Shirka, waxaana Galmudug ay sheegtay in aysan shirkaasi ka qeyb gali doonin, Maadaama horay aan loo fulin heshiisyaddii lagu gaaray Garowe bilowgii Sanadkaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ka biya diiday in shirkaan Garowe laga soo wareejiyo oo Muqdisho lagu qabto Maadaama horay uu ballanku ahaa in lagu qabto Kulanka Garowe oo la iclaamiyay bilowgii Sanadkaan.

Ma cadda in shirka dib loo waqtiyeyn doono iyo inuu sidaas ku fashilmay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com