Xog: Muuse Biixi iyo Saciid Deni oo ku kulmay Dubai

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay Caasimada Online ka helayso caasimada dalka Imaaraadka ee Abu Dhabi ayaa sheegaya in xalay ay halkaas kulan ku yeeshen Madaxweynayaasha Somaliland iyo Puntland, Muuse Biixi iyo Saciid Deni.

Kulanka ayaa ka dhacay Hotelka Ascott Park ee magaalada Dubai, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyen ilo lagu kalsoon yahay.

Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegaya in Biixi iyo Deni ay kawada hadleen xiisada colaadeed ee ka dhex taagan labada Maamul, iyagoo isku afgartayna inay ilaaliyan heshiiska xabad joojinta iyo in laga fogaado waxkasta oo markale colaad ka abuuri kara labada dhinaca.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maalmihii la soo dhaafay ku howlanayd oo diyaarinaysay qorshahan ay xalay ku kulmeen Madaxweynaha Somaliland Biixi iyo dhigiisa Puntland Deni.

Kulankan ayaa ahaa mid qarsoodi ah, oo ilaa hadda aysan cadeyn arrimaha kale ee ay kawada hadleen Labadan Madaxweyne, iyada oo ay jiraan kulamo kale oo ay u balameen si ay uga wada-hadlaan sidii loo sii xoojin lahaa nabad waarta.

Wixii kasoo kordha Kulankan kala soco Caasimada Online

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com