Maxaa laga filan karaa shirka madax goboleedyada ku yeelanayaan Nairobi ?

Nairobi (Caasimada Online) – Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Waxaa ku sugan madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Jubbaland, waxaana ay halkaasi ka wadaan abaabul iyo kulamo kala duwan.

Kulamada masuuliyiintaan ayaa waxaa qeyb ka ah kulamo ay la qaadanayaan madaxda wadamada caalamka oo ku sugan magaalada Nairobi, waxaana doorweyn ku leh arintaan hogaanka dowladda Kenya.

Madaxda maamulada Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Puntland ayaa la filayaa inay ku biiraan kulamada ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana ay kulamo la qaadanayaan  beesha caalamka.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada ay kulamo ku yeelan doonaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana kulamadaasi ay walaac badan ay gelliyeen madaxda dowladda.

Dhamaan madaxda maamul goboleedyada hadda wax xiriir wanaagsan ah kalama dhaxeeya madaxda dowladda Soomaaliya, marka laga reebo hogaanka Koofur Galbeed, waxaana ugu dambeeyay madaxweyne Axmed Madoobe oo maalmo ku sugnaa magaalada Muqdisho oo xiriir isku soo dhawaansho la sameeyay madaxda dowlada.

Axmed Madoobe ayaa Isniintii safar aan horey loo shaacin kaga duulay magaalada Kismaayo isaga oo gaaray magaalada Nairobi, waxaana lagu waramayaa in Axmed Madoobe uu walaac badan ka muujinayo dhaqan gelinta heshiisyadii uu la galay dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Waare ayaa meel cidla ah kusoo dhacay, kadib markii loo dhaqan gelin waayay heshiisyo badan oo uu la galay dowladda Soomaaliya, waxaana hadda aad u sii xumaanaya xiriirka kala dhaxeeya dowladda.

Sidaasi oo kale waxaa xumaaday xiriirka Puntland iyo dowladda, kadib markii madaxweyne Deni uu ka carooday in shir abaabulkiisa ay lahaayeen oo ka dhici lahaa magaalada Garowe loo wareejiyay Muqdisho, kaasi oo ugu dambeyn baaqday.

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo kaliya ayaa xiriir uu kala dhaxeeyaa dowladda Soomaaliya, maadaama iyaga ay geeyeen magaalada Baydhabo,halkaasi oo ugu dambeyn lagu doortay.

Walaaca ugu badan ee shirka Nairobi laga muujinayo ayaa ah in madaxda maamul goboleedyada ay ku midoobaan markale, islamarkaana sanadaha u haray dowladda dhexe ay sameystaan isbaheysi cusub.

Walaaca kale ee laga qabo ayaa ah inay xiriir toos ah la sameystaan madaxda ay la kulmayaan, si ay kaga maarmaan dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com