HirShabeelle iyo dowladda dhexe oo u umuuqda in ay kala aamin baxeen

Jowhar (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Hirshabelle State ayaa u muuqata in xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda dhexe uu aad usii xumaaday kadib markii ay soo bandhigeen tabashayin cadaalad darro ay ku heeyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Maamulka Hirshabelle oo horay uga tirsanaa isbaheeysigii maamul goboleedyada dalka ee saluugsanaa dowladda dhexe ayaa horey isaga baxday isbaheeysigii ay ku mideeysnaayeen, waxeyna mas’uuliyiinta Hirshabelle cadeeyeen in ay lasafan yihiin dowladda dhexe .

Hishiisyo fara badan oo aan waxba ka suuro galin ayaa kala dhaxeeyay dowladda dhexe, sida mas’uuliyiin Hirshabelle kamida ay u xaqiijiyiin Caasimadda Online.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo muuqday khilaafka u dhaxeeya Hirshabelle iyo dowladda dhexe kagadaal markii wasiirka madaxtooyada Hirshabelle uu warbaahinta u xaqiijiyay in cadaalad darro lagu haayo maamulkooda ,wuxuuna sidoo kale uu sheegay wasiirka in ay dhawaan furi doonaan dekadda ceel macaan, garoonka Cisaleey, sidoo kale waxa uu ku goodiyay in ay xiri doonaan xuduudda ay gobalka banaadir la leeyihiin maamulkooda.

Khilaafka ayaa soo if baxay markii shir kasocday Muqdisho loogana hadlayay gar gaarka masiibooyinka uu isaga baxay wasiirkii wakiilka ahaa Hirshabelle.

Shirar badan oo ay qabatay dowladda dhexe laguna wadaagayay mashaariicda dalka ayeey Hirshabelle sheegtay in aan waxba laga siin sida uu sheegay wasiir katirsan maamulka Hirshabelle.

Madaxda ugu sareeysa dalka ayaa u muuqda in ay ka gaabiyeen hoowlihii ay ka sugayeen shacabka ku dhaqan hirshabelle oo maalmihii lasoo dhafay baraha bulshada ku soo bandhigaayay eedaha ay u qabaan dowladda dhexe .

Lataliyaha sare ee madaxweynaha Hirshabelle Xasan C/qaadir Muudey ayaa malmahan bartiisa facbooka kusoo daabacayay dhibaatada ay ka tirsanayaan dowladda dhexe iyo cadaalad darada sida gaarka ah loogu haayo maamulkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com