Thabit Cabdi: Xil u magacaabid mise xaalad dajin ?

Muqdisho (Caasimada Online)- 48dii saac ee lasoo dhaafay waxaa xoogeystay wararka sheegaya in duqii hore ee Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed uu dib ula shaqeyn doono maamulka Villa Soomaaliya. Warkaan waxaa xoogiisu u yaala xafiisyada ra’iisul wasaaraha iyo midka madaxweynaha.

Arrintaan oo mid abaabulan u muuqata waxa lagu sheegay in Thabit Cabdi loo magacaabi doono wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, oo hal wasaarad laga dhigi doono, meesha ay hada ka yihiin labo wasaaradood, halka beesha Habar Gidir la siin doono wasaarada warfaafinta iyo taliye ciidan oo sare.

Thabit oo dhowr jeer madaxweyne Farmaajo kula taliyay in amniga la hoos geeyo gobalka Banaadir uuna hayo qorshe ay dadka magaaladu amnigoodu ku sugan karaan, ayaa wali taageero badan kuleh saaxada siyaasada.

Baaris madaxbanaan oo ay sameysay Caasimada Online ayey ku ogaatay in hadalkaan uu yahay mid aaney waxba ka jirin balse dadka abaabulaya ay labo arrin midkood ka lee yihiin.

Mida koowaad: Madaama hoos loo dhigi waayay dadka aaminsan in hadii Thabit sii joogi lahaa gobalka uu xaalka sidaan dhaami lahaa, waxaa kooxda Villa Somalia ay abuurtaa aqbaar gacan ku rimis ah mar walba oo ay xaaladu adkaato. Sida aan baaristeena ku ogaanay waa markii sadexaad oo xaaladoo cakiran xil lala xiriiriyay Thabit.

Mida labaad: Waa beesha Caalamka oo dowladda Farmaajo ku cadaadineysa iney soo xero galiso siyaasiyiinta ay wali shacabku xiisaha u qabaan, si culeesku uga yaraado iyo dooda ah iney Dowlad wadaag saameeyaan sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa loo abaabulay war suuqan.

Dadka arrintaan faafinaya marka la eego, waxaa la fahamsan yahay iney tahay aqbaar aan jirin balse culeeska lagu yareeynaayo. Thabit Cabdi ayaa loo arkaa siyaasi dhowrsan, oo aan wax dagaal ah la galin Dowlada Farmaajo, tan iyo markii xilka looga qaaday xuquuq raadintisii gobalka Banaadir iyo is faham waa soo kala dhex galay isaga iyo Xasan Cali Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska-Muqdisho
Caasimada@live.com