Sheekh Aadan Siiro: “Muuse Biixi cid qabata oo looga dacwado malaha”

Hargeysa (Caasimada Online) ― Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi [Sheekh Aadan Siiro], ayaa khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay dhibaatada ay Ummadaha Muslimka ahi ka dhaxlaan Dulmiga, isagoona Xukuumada Muuse Biixi ugu baaqay inay dulmiga ka deyso shacabkeeda.

Sheekh Aadan Siiro ayaa waxa kale oo uu khudbadiisi kaga hadlay muranka ka taagan dhulka ay xukuumadu Biixi ka dhisaneyso Madaxtooyada Cusub, isagoona sheegay in xukuumadan aysan laheyn meel looga dacwoodo iyo cid qabataba Madaxweyne Biixi haddii uu dulmi sameeyo.

Sheekha oo arrimahaas ka hadlayaana waxa uu yiri “Waxaan si kooban uga hadlayaa waxa Dulmiga loo yaqaano iyo raadka uu ku yeesho Bulsho Muslimiin ah haddii aanay dulmigaa wax ka qabanin, Anigoo ku eegi doona waxa Toddobaadyadii u dambeeyay ka dhacayey Magaalada Hargeysa”.

“Waxaan ka warrami doonaa Dadkii Sharciga, Caqliga iyo Diinta iyo Damiirku shaqaynayey siday Dulmiga iskaga qaban jireen, farriintana waxaan u diri doonaa Madaxweynaha nasiibka u helay inuu hoggaamiyo Afar Milyan iyo Badh Muslimiin ah, nasiibna u helay inuu hor fadhiisto intaas oo Aqoonyahan oo Ummadda u ilo-bixin lahaa, Annaga oo u Tilmaami doona in dulmiga uu sameeyaa yahay mid taxan Adduun iyo Aakhiraba. Dadnimadayda iyo Damiirkaygu i siin maayaan inaan ka aamuso oo aan tilmaami-waayo dhacdo dulmiya oo dhacaysa” ayuu yiri Sh.Aadan Siiro.

Sheekh Aadan Siiro ayaa waxa kale oo u khudbadiisa ku sharaxay dulmiga iyo waxyaabaha laga dhaxlo “Dulmigu waa maxay? Culimadii Diintii fahantay ayaa dulmiga waxay ku fasireen Adiga oo iska isticmaala oo sidaad doonto ka yeela Hanti ay Dad leeyihiin, Adigoo u maraya dariiq aan Xaq ahayn. Dulmigu waa Runta oo been laga dhigo, Beentana Run laga dhigo ‘Subxaannallaah’. Qof Masuul ah oo been Cad Ummadda u sheegaya ayaa ka mid ah Saddexda aanu Illaahay SW eegayn Maalinta Qiyaamaha”.

“1440 sanadood ka hor, ayaa Culimadii Diinta fahantay yidhaahdeen ‘ILLAAHAY SW wuu u gargaaraa Dawladda Gaalada ah, hadday isku Caddaalad falaan, ILLAAHAY’se uma gargaaro Dawladda dadkeeda dulmida haba ahaato Muslim’e, sidaa waxa yiri Ibnu Taymiya. Maxaa Maanta haysta Liibiya, maxaa haysta Yemen, maxaa haysta Suuriya oo ay Dad Muslimiin ahi ku nool yihiin ? maxaa ka dhacaya Dunida Muslimiinta, ILLAAHAY SW ayaa wax roga, laakiin sababteeda Dulmigaa ka mid ah” ayuu yiri Sheekhu.

Sheekh Aadan Siiro ayaa sidoo kale waxa uu fariin u direy Xukuumada Madaxweyne Biixi, isagoona ugu baaqay inay Xukuumaddu dulmiga ka deyso dadka maatida “Xukuumadda waxaanu leenahay waar Dulmiga ka daaya Maatida. Rasuulku (CSW) wuxuu yiri ‘Maatida dulman dacwaddooda iska ilaaliya, waayo? Samada ayay u baxdaa iyadoo dhimbiilo ah, ILLAAHAY SW ayaa u jawaaba oo yidhaahda ‘Weynidayda ayaa ku dhaartaye, waan kuu gargaari wakhti dambaba ha noqotee’”.

“Markii aynu la dagaalanay Dawladdii Milletariga ahayd (Dawladdii Siyaad Barre), waxa Dalka lagu soo noqay iyadoo Danta guud ee Ummaddu leedahay ay 70% bannaan tahay, laakiin wixii dadku lahaa inyar baa ku kala tagtay (Qaadatay) oo kuwa Maanta Dalka u taliyaa ka mid yihiin, Nin walba intuu qaatay waalla yaqaanaa, laakiin waxa dhici doonta Maalin la iswaydiiyo oo Dad wax kala garanaya ama Dawlad baa iman doonta ama Maalinta Qiyaamaha ayaa la iswaydiin doonaa” ayuu yiri Sh.Aadan Siiro.

Wuxuuna intaas ku daray Sheekhu “Maanta waxay maraysaa, wixii Qofku ku tabcay ee Afar Maxkamadood u xukumeen in Nin Awood dawladeed sheeganayaa uu yidhaahdo Anigaa qaadanaya, Sharci iyo Caqlina meel ay ku taallaana ma jirto, haddii lala xisaabtamana waa kuwa Dalka dhulkiisii wada qaatay kuwa Maanta waxaa sheegayaa, waar Sharciga hala ixtiraamo. Waxyaabaha keena in Ummadi dunto Dulmigaa ka mid ah, haddii dulmiga la joojin waayo, waxay keenaysaa in dariiq khaldan ay Dadku isticmaalaan, taasina waxay keenaysaa wixii hore u dhacay, markaa waxaanu leenahay ha laga daayo”.

Ugu dambayntiina, Sh. Aadan Siiro ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in Xukuumada Muuse Biixi aysan lahayn cid looga cawdo, halka dowladihii hore ay lahaayen cid qabata Madaxweynaha hadii wax laga tabanayo, wuxuuna yiri “Waar Dawladdii ka horreysay Dawladdan Cid qabataa jirtay, Caqli baa jiray oo Dad is-qabanaya ayay ahaayeen, Dad wada tashanaya ayay ahaayeen, Cid bay wax waydiinayeen, Cid looga Ashkatoodaa jirtay, tan yaa looga Ashkatoonayaa? Afartii Ag-joogay waxba waydiin maayo, Cid la tashan maayo oo wuxuu doono ayuu yeelayaa, Caqligu ha shaqeeyo oo Ummadda ha la kala bedbaadiya.”

“Ninka sita xukunka Afar Maxkamadood, 80 Jir ah, Aabbihii Fooqii saddexaad ee Hargeysa dhisay, Tabcay ee Dadkii ugu Hantida badnaa Hargeysa ka mid ahaa, in Maanta dhulka la jiid-jiido ma aqbalayno, Waar Dulmiga diida. Haddii Sharcigii shaqayn waayo, Maxkamaddii shaqayb waydo, maxaa shaqaynaya” ayuu yiri Sheekhu.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com