Tirada ciidamada Uganda ee ilaaliya xarumaha QM

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Uganda ayaa ah ciidamada ugu badan ee ilaaliya xarumaha Qaramada Midoobay ee ku yaala magaalada Muqdisho, waxaana saraakiisha ciidamada Uganda ay ka hadleen sababta loogu doortay inay xarumahaasi ilaaliyaal ka noqdaan.

Saraakiisha ciidamada Uganda ayaa sheegay in ciidamadooda ay yihiin kuwo ay ka go’an tahay inay xasilooni kusoo celiyaan dalka Soomaaliya, taasina ay tahay sababta loogu doortay inay ilaaliyaan xarumaha Qaramada Midoobay ee Muqdisho.

Ciidamadan waxaa ay ka koobanyihiin 530 Askari, 63 waa Haween halka 467 ay yihiin Rag, waxaa ay kaalin muhiim ah ka qaataan nabadeynta Soomaaliya, sababta oo ah waxaa ay ilaaliyaan Xarumaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Korneyl Stuart Agaba, waa taliyaha ciidamadaasi, waxaa uu sheegay in sababta Uganda loogu dooray in ay ilaaliso xarumaha Qaramada Midoobey ay tahay in Uganda a ka go’antahay dowladnimada Soomaaliya.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Uganda ay yihiin kuwo daacadnimo u gudanaya waajibaadka iyo ilaalinta xarumaha ku yaala magaalada Muqdisho.

Ciidamada Uganda ayaa ilaaliya xarumaha ugu muhiim Muqdisho sida garoonka diyaaradaha, Dekadda Muqdisho, madaxtooyada iyo xarumo kale oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho ka tagay ciidamo badan oo u dhashay dalka Uganda, kuwaasi oo dhameystay waajibaadka shaqo ee ay u joogeen magaalada Muqdisho, waxaana badalkooda soo dagay ciidamo kale oo dalkaasi ka socda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com