Maxay madaxtooyada ka tiri qoysaska “uu dhulka ka xoogay madaxweynaha”?

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Muuse Biixi ayaa maanta markii uhoreysay ka hadashay cabashooyin maalmihii u dambeeyay ka taagna dhul ay ka dhisaneyso Madaxtooyo cusub oo ku yaala galbeedka caasimada Hargeysa.

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Somaliland, Maxamed Cali Bile oo arrintaas ka hadlaya, ayaa sheegay inaysan jirin qoysas uu Madaxweyne Biixi xoog kaga qaaday dhulka laga dhisayo Madaxtooyada cusub.

“Dadkii lahaa halka Madaxtooyada Cusub laga dhisayo ee loogu tagay, boqolkiiba 99 way ka amba-baxeen, oo Salaan ayaa lagu kala tagay, laakiin hal Guri ayaa ku sii hadhsanaa Gurigiina saaka ayaa laga raray meeshii” ayuu yiri Agaasime Maxamed Bile.

Agaasimaha Madaxtooyadu, waxa uu sidoo kale beeniyay inay jiraan Balan-qaadyo Madaxweyne Biixi u sameeyay Qoys la yiraahdo reer Dalab, kuwaasi oo warbaahinta ka sheegay in Madaxweynuhu balamo uga baxay intuu dhulkoodi ka qaatay, wuxuuna yiri

“Qoyska reer Dalab malaha meesha Madaxtooyada laga dhisayo, waxa lahaa ummad dhan oo 72-Qoys ah oo meesha deganaa, cid wax loo balan-qaadayna ma jirto, cid wax la tarayana waa wax Dadkaas oo dhami u siman-yahay”.

Muddooyinkii udambeeyay ayaa waxa isasoo tarayay qoysas sheeganaya dhulka ay xukuumada Muuse Biixi ka dhisaneyso Madaxtooyada, kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay warbaahinta ka hadlayey iyaga oo sheegaya in Madaxweyne Biixi uu dhulkooga kaga qaatay awood dowladnimo.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com