Wariye Coldoon oo saaka la hor geeyay maxkamada magaalada Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay helayso Caasimada Online, ayaa sheegaya in saaka Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon la hor geeyay Maxkamada Hargeysa ee Gobolka Maroodi-jeex .

Wariye Coldoon ayaa labo cisho ka hor ciidamada Somaliland kasoo qabteen magaalada Burco, iyagoo markii dambena u soo wareejiyey xabsi ku yaala Magalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ayaa saaka markii la horgeeyay Wariye Coldoon u sheegay Ciidankii soo qabtay inay dib ugu celiyaan gobolkiisi Togdheer.

Guddoomiyaha Maxkamada ayaa go’aankaas ku sababeeyay labo arrin, sida ay Caasimada Online u sheegen qaar kamida ehelka Wariye Coldoon.

Isagoona sheegay Gudoomiyuhu in aan Wariye Coldoon xadhigiisa loo marin sifo sharci oo aysan haysan amar qabasho oo kusoo xidhaan ciidankii soo qabtay iyo in aanu isagu awood u lahayd dhageysiga dacwad dhul kale ka dhacay, maadama awoodisu ku eegtahay dhageysiga dacwdaha Gobolka Maroodi-jeex.

Wararka kale ee aan helayno ayaa sheegaya in Wariye Coldoon ay ka muuqden dhaawacyo kala duwan oo soo gaadhay markii la soo qabanayey, isagoona Gudoomiyaha Maxkamadu uu saaka ku amray Ciidankii waday Wariyaha inay geeyan Cisbitaal.

Ilaa iyo hadda lama oga in Ciidamadii saaka Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon geeyay Maxkamada Hargeysa ee Gobolka, inay fuliyeen amarkii Guddoomiyaha iyo in kale.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com