CC Shakuur: Qarashkii lagu sugi lahaa amniga waxaa loo weeciyey qorshe kale

Muqdisho (Caasimada Online) ― Waxaa maalmihii lasoo dhaafay la hadal hayay in magaalada Muqdisho ay ka dhici doonaan banaanbaxyo 18-bishan oo shalay aheyd, kaasi oo lagu sheegay inay ku dalbanayaan xal u helida dhibaatooyin ay shegeen inay heystaan shacabka ku nool gobolka Banaadir.
Inkastoo wax banaanbax ah uusan shalay ka dhicin magaalada Muqdisho, haddana waxay shalay Dowladdu Ciidamo dhigtay Isgoysada waaweyn ee waddooyinka kuwaasi oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka.
Ciidamadan booliska ah ayaa feejignaan dheeraad ah ku jiray, iyagoo watay gaadiidka dagaalka, mid Ambalaas ah iyo hub fara badan, waxayna heegan ugu jireen sidii ay uga hortagi lahaayeen banaanbaxyadii shalay laga cabsi qabay inay ka dhacaan maagalaada Muqdisho.
Haddaba, Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa qoraal usoo dhigay bartiisa Facebook wuxuu kaga hadlay arrinkaasi, isagoona sheegay in dadaalka iyo qarashka ay ku bixisay dowladda Federaalku in la hor istaago xaq dastuuri ah oo muwaadinku leeyahay ay kaga baahi badneed inay ku bixiso sugida amniga.
“Haddii waxa maanta hawl, daddaal,dhafar, ciidan daabul, dad ka hadalsiin, xuuraan, iyo qarash lagu bixiyey, in la hor istaago xaq dastuuri ah ee muwaadinku leeyahay, lagu bixin lahaa sugida amniga, sidaan xaalka amni daro waa dhaami lahaa” ayuu ku yiri qoraalkiisa CC Shakuur.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho