Puntland oo faramuuqday cida ka danbeysa xasarada ka dhalatay Dekeda Boosaaso

Garoowe (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa ka digay in xasarad laga dhex abuuro Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maamulka iyo Ganacsatada alaabaha kala soo degta Dekadda Boosaaso.

C/samad Samatar Jaafaan, oo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Maamulka Puntland ayaa sheegay inay jiraan shaqsiyaad qaab xun u dhigay canshuurta lagu kordhiyay Ganacsatada Dekadda.

Agaasimaha waxa uu tilmaamay in xasarada laga dhex abuuraayo maamulka Dekadda iyo Ganacsatada ay ku lug leeyihiin Siyaasiyiin iyo Shacabka u baahan in leyska qabto.

”Waan la socnaa in xasarada Dekadda ka dhalatay ay bansiin kusii shubayaan Siyaasiyiin dano gaara leh iyo shacab careysan”

Waxa uu Agaasimaha sheegay in loo baahan yahay in xasarada laga daayo howlaha Dekadda, isla markaana ay muhiim tahay inaan dhibaato loo horseedin deegaanka.

Waxa uu xusay in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo hormarinta Dekeda Magaalada Boosaaso, maadaama aanu dhibaato laheyn khiimaha iminka lagu kordhiyay Ganacsatada alaabaha kala soo dega Dekadda.

Agaasimaha Guud waxa uu tilmaamay iney socdaan qorshaha lagu hormarinayo laguna dhameystirayo howlaha Dekeda Magaalada Boosaaso.

Dadka xasarada u rogaaya qiimo kordhinta ayuu sheegay inay yihiin kuwo dano gaar ah wata oo doonaya sida uu sheegay in aysan hormar gaarin Dekeda Magaalada Boosaaso.

Sidoo kale, Agaasimaha waxa uu cadeeyay in muranka iyo is qab qabsiga ka taagan Dekeda Magaalada Boosaaso uu yahay mid markiisa hore ka dhashay ku wareejinta Shirkada DP world ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Si kastaba ha ahaatee, qiimo kordhinta lagu sameeyay alaabaha kasoo dega Dekadda ayaa sabab u noqday xirnaanshiyaha goobo badan oo Ganacsi ah.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com