Puntland oo fariin caga jugleyn ah u dirtay maamulka Galmudug

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa qaadacay in wada xaajood lagu dhameeyo colaada ka aloosan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in wadahadal lagu dhameeyaa colaadaani ay tahay mid rajo xumi ay ka danbeyso waxa uuna maamulka cadeeyay in xalinta colaada aysan khuseyn Puntland.

Puntland waxa ay colaada ku eedeysay Galmudug oo ay sheegtay inay sii hurineyso colaada, sidaa darteedna Puntland aysan ka waaban doonin.

Cali Cabdullaahi Warsame oo ah Wasiirka Deegaanka, duurjoogta iyo Dalxiiska maamulka Puntland ayaa sheegay in dagaalka Gaalkacyo uu yahay mid dano gaar ah laga lee yahay.

Wasiirka waxa uu sheegay in maamulka Galmudug uu sii hurinayo dagaalka Gaalkacyo, isagoo si gaar ah dagaalka ugu eedeeyay Wasiirka Amniga Galmudug, Taardhuleed oo uu sheegay inuu yahay ninka amraya ciidanka.

Wasiirka waxa uu sheegay in dhowr jeer ay xal u raadiyeen colaada taagan, hayeeshee dadaalkaasi ay ka biya diiday Galmudug, sida uu haddalka u dhigay Wasiirka.

Waxa uu intaa ku daray in Puntland ay iska difaaci doonto wixii kusoo xadgudba deegaanadeeda, isagoo wacad ku maray in Galmudug ay dagaal uga qabsan doonaan deegaano dhowr ah.

Haddalka Puntland ayaa u muuqanaaya caga jugleyn ku socta maamulka Galmudug oo dagaal kula jira maamulka kale.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com