Halkee ayuu marayaa qorshaha Imaaraadka uu saldhiga millatari uga furanayo Somaliland?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka Carabta iyo maamulka Somaliland ayaa kawada hadlaaya sida Imaaraadka uu Saldhig millatari uga furan lahaa deegaanada Somaliland gaar ahaan magaalada Berbera.

Wadahadalkaani ayaa waxa uu soo bilowday Bishan horraanteeda, waxa ayna dowlada Imaaraadka ku adkeysay Somaliland in lagu caawiyo Saldhigaasi millatari.

Somaliland iyo Imaaraadka ayaa si hordhac ah isugu afgartay in saldhig millatari laga siiyo magaalada Berbera, taas oo madba’ ahaan ay Somaliland aqbashay.

Dowlada Imaaraadka ayaa dooneysa in Saldhigaasi ay ka qaado weerarada cirka ah ee lagu beegsanaayo xarumaha Xuutiyiinta Yemen iyo Kooxaha kale ee Argagixisada ah.

Maamulka Somaliland ayaa horay heshiis maalgashi oo muddadiisu 30 sanno tahay la gashay shirkadda DP-World oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, taas oo uu ansixiyay golaha baarlamaanka maamulka Somaliland.

Heshiisyada Imaaraadka iyo Somaliland ay qolka mugdiga ah kuwada saxiixanayaan ayaa mustaqbalka dhow carqalad ku noqon doona dowlada Somalia.

Ma jirto amar ay Somaliland u qabto in badaha iyo garoomada deegaanadeeda ku yaalla ay heshiis kula gasho dowlad kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com