Waa sidee saaka xaaladda Gaalkacyo iyo dagaalkii ka socday?

Gaalkacyo (Caasimada Onlin) – Waxaa saakay degan guud ahaan xaalada magaalada Gaalkacyo oo saacadihii la soo dhaafay ay ku dagaalamayeen maamulada Galmudug iyo Puntland.

Goobaha ay labada ciidan ku dagaalameen ayaa saakay ah mid xasiloon, walow ay jirto saan-saan colaadeed hadana jawiga ayaa ah mid caadi.

Xaafadaha ay labada ciiidan ku dagaalameen ayaa waxaa lagu arkayaa dad tiro yar oo aan ka barakicin dagaalka.

Goobaha Ganacsiga xaafadaha ay ciidamadu ku dagaalameen ayaa ha mid caadi ah, inkastoo dadka xaafadahaasi ku nool ay yihiin kuwo aad u yar.

Sidoo kale, waxgaradka Puntland iyo Galmudug ayaa sameynaya wada hadalo lagu heshiisiinayo labada dhinac, si looga fakaro shacabka ku nool Gaalkacyo oo dhibaatooyin badan horey u soo arkay.

Si kastaba ha ahaatee, Magaalada Gaalkacyo ayaa shalay waxaa ka dhacay Dagaal u dhaxeeyay Maamulada Puntland iyo Galmudug, kuwaas oo ka kala arimiya Galbeedka iyo Koonfurta Magaalada.

Caasimada Onlin
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com