Nabadoon ku howlanaa xulista xildhibaanada oo Muqdisho lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaad Bastoolado ku hubeysnaa ayaa toogasho ku dilay Nabadoon caan ka ahaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Dilka Nabadoonka ayaa ka dhacay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, waxaana dilkaasi fuliyay Seddex ruux oo Bastoolado watay.

Nabadoonka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Tabari Shiiqoow waxa uuna dilkaasi ka dhacay Xaafada Suuq Bacaad.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa la sheegay in da’diisa ay dhantahay 75 ilaa 80 jir.

Nabadoonka ayaa ka mid ahaa Odayaasha soo xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee iminka xulistiisa ay ka socto Muqdisho.

Kooxihii ka dambeeyay dilkaasi ayaa isaga baxsaday goobta, waxaana eryaday ciidamo ka tirsan kuwa maamulka.

Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada Dilka Nabadoonkaasi oo ka dhacay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com