Garoowe (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, isaga oo farriin culus u diray xukuumadda Somaliland.
Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifitaax Cabdinuur ayaa ugu baaqay madaxda Somaliland in tabashada reer Awdal ay ku xalliyaan wada-hadal, iyada oo fursad la siinayo dadka deegaanka.
Sidoo kale, wuxuu ka tacsiyeeyay khasaaraha ka dhashay rabshadaha ka socda Boorama oo sababay dhimasho, dhaawac iyo khasaare hantiyeed oo xoogleh.
“Dowladda Somaliland iyo shacabkeeda, waxa aan ugu baaqayaaa in tabasho kasta oo jirta lagu abaaro oo lagu xaliyo wadahal iyo dhaqankii ilbaxnimada lahaa ee aad caan baxdeen; xejista nabadiina… waan ka tacsiyeynaynaa intii ku nafweydey shaqaaqooyinka ka dhacay Boorame.” ayuu yir Wasiiru-dowlaha Madaxtootada Cabdifitaax Cabdinuur.
Rabshadaha Boorama ayaa soo bilowday habeen hore kadib markii xukuumadda Somaliland ay ku dhawaaqday inay fasaxday bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac, waxaana ku dhintay 16 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 60 kale.
Xiisadda ayaa ka dhalatay fasaxa bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac, kaasi oo beelaha Gadabuursi u arkaan mid looga sheeganayo dhulkooda, halka Ciise uu qabashada bandhigan u arko mid uga adkaaday beelahan, oo iyagu isku hayaan deegaankaasi.
Dhinaca kale, Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) oo maanta qaaday tallaabo deg-deg ah ah oo la xiriira xaaladdda Boorama ayaa joojiyay bandhigga xeer Ciise ee rabshadaha ka riday magaaladaasi.
Cirro ayaa sheegay inuu isaga oo eegaya maslaxada guud darteed uu baajiyay qabashada bandhiggan, si looga hortago in rabashaduhu ay sii socdaan.
“Maanta waxaa aan Madaxweyne ahaan joojiyey munaasabadda xuska Xeer Ciise, aniga oo ka eegaya danta guud iyo dareenka umaddayda” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Waxaa kale oo uu farriin u diray shacabka reer Awdal, isaga oo ugu baaqay inay deganaan muujiyaan, si loo ilaaliyo xasiloonida guud ee deegaanka.

