Puntland oo ganacsatada Boosaaso ku tilmaamtay Burcad DIIMEED dadka dila

Boosaaso (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Puntland ayaa digniin u diray ganacsatada magaalada Boosaaso iyo dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Muxidiin Axmed Muuse oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in ganacsatada magaalada Boosaaso uu kaga digayo inay noqdaan kuwo qariya dadka dilalka ka geysanaya magaalada Boosaaso.

Taliyaha ayaa sheegay in Ganacsiga Magaalada Boosaaso uu u kireysanyahay wax uu ku sheegay Burcad Diimeed dadka Masaajidda ku dhexdila, taasi oo niyad jab weyn ku noqoneyso ganacsatada magaalada Boosaaso.

Ma uusan sheegay waxa u arintaasi kala jeedo iyo inuu si gaar ah ugu dan leeyahay qaar kamid ah ganacsatada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Puntland waxaa dhaqaalaha ugu badan uu kasoo galaa magaalada Boosaaso oo ah magaalada Ganacsiga ee Puntland.

Dhinaca kale taliyaha ciidamada booliska Puntland ayaa digniin u jeediyay shacabka magaalada Boosaaso, isaga oo kaga digay inay qariyaan dadka uu sheegay inay dilalka ka geystaan magaalada Boosaaso.

Jeneraalka ayaa sidoo kale ku hanjabay in dowlad Goboleedka Puntland ay la wareegi doonto guryaha lagu qabto koooxaha falalka amni darrada ah ka wada Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee Puntland Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com