DF oo markii ugu horreysay ka hadashay xafiiska Kenya ay ka furanayo Hargeysa

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xafiiska diblomaasiyeed ee Kenya ay ka furaneyso magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo wareysi siiyey wargeyska The Standard ee Nairobi, ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay wararka sheegaya in Kenya ay xulufo ka dhiganeyso maamul goboleedyada Soomaaliya, gaar ahaa maamulka Somaliland.

“Dowladda Soomaaliya ayaa ah tan Kenya u fasaxday inay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya oo tix-raacaya xafiiska la qorsheeyey in Kenya ay ku yeelato Hargeysa.

Dhinaca kale, Cawad ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay sidoo kale Soomaaliya u ogolaatay inay qunsuliyad ka furato magaalada Mombasa ee dalka Kenya, haddii ay sidaas dooneyso.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya aysan dooneyn inay Kenya la gashay dagaal, oo ay ka aarugudato tallaabo kasta oo ay qaado, wuxuuna sheegay inay doonayaan deris wanaag.

Kenya ayaa dhowaanahan sii kordhisay tallaabooyinka Soomaaliya ka dhanka ah ee ay qaadeyso, ayada oo ay soo dhowaatay waqtiga la filayo in maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ ay ku dhowaaqdo go’aanka kiiska badda ee ka dhaxeeya labada dal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com