Kenya oo Soomaaliya usoo dirtay warqad ay awood ciidan ugu hanjabtay

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa warqad ay 21-kii May u dirtay dowladda Soomaaliya ku hanjabtay inay awood ciidan u adeegsan doonto muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay sheegtay inay burburin ama is-hortaag ku hayaan darbiga ay ka dhiseyso xuduudda Soomaaliya.

“Arbushaad kasta oo sii socota oo ka dhan ah shaqaalaha Kenya, waxaa loogu jawaabi doonaa awood ciidan” ayaa lagu yiri warqadda oo ay saxiixday wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, islamarkaana safaaraddeeda Muqdisho ay u gudbisay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya 25-kii May.

Warqaddan oo uu arkay wargeyska The Standard ee kasoo baxa Nairobi, ayaa ku eedeysay Soomaaliya “inay si joogto” isu hortaageyso dhismaha darbiga, ayada oo adeegsaneysa haween iyo caruur dhibaato ku haya ciidamada ammaanka Kenya iyo shaqaalaha darbiga dhisaya.

“Kenya waxay qiimeyneysaa khasaaraha waxyeelada ay sababeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ayada oo dalban doonta magdhow” ayaa lagu yiri warqadda oo ka koobneyd laba bog.

Kenya ayaa ku eedeysay dowladda Soomaaliya inaysan uga abaal-celin sama-falkii ay sameysay.

“Markii Kenya ay hakisay dhismaha darbiga muddo laba toddobaad ah, sanadii 2017, waxay muujisay dulqaad, wanaag, saaxiibnimo iyo deris wanaag” ayaa lagu yiri warqadda.

“Sidaas darteed, Kenya waxa ay rajeeneysaa in Soomaaliya ay ku jawaabto ayada oo qaadeysa tallaabooyin lagu xaqiijinayo in amniga xuduudda Kenya aysan is-hortaagin muwaadiniinta Soomaaliyeed” ayaa lagu qoray warqadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay inay caqabad ku tahay dadaallada Kenya ay ku sugayso amniga xuduuddeeda.

“Dowladda Soomaaliya waxay si qayaxan u diidaysaa eedeymaha ah inay ku lug leedahaa waxa lagu qeexay warqadda dowladda Kenya” ayaa lagu yiri warqad jawaab ah oo ay dowladda Soomaaliya u dirtay Kenya

“Sidoo kale, dowladda Soomaaliya kama war-hayso, mana hayso wax caddeymo ah oo muujinaya in muwaadiniinteeda ay waxyeelo u gaysteen xeendaabka Kenya ay dhiseyso. Haddii Kenya ay rajeeneyso inay caddeymo usoo gudbiso Soomaaliya, Soomaaliya waxay ku faraxsan tahay inay sida ugu habboon uga fakarto” ayey tiri Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo jeedisay dhismaha guddi farsamo oo labada dal ka kooban oo xal u hela khilaafka labada dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com