Dagaal ka dhex billowday Maxamed Bin Salmaan iyo Maxamed Bin Zayed

Abu Dubai (Caasimaddda Online) – Sida ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ay xaqiijiyeen, dhaxal-sugaha dalka Imaaraadka Carabta Maxamed Bin Zayed ayaa bilaabay dagaal culus oo uu la galayo Dhaxal Sugaha Dalka Sacuudiga Maxamed Bin Salman kadib markii uu Riyadh u arkay inay caqabad ku tahay saameynta wadankiisa ee Gobolka.

Arrintaan ayaa waxaa soo shaac bixiyey Wargeyska New York Times oo sheegay in labada wadan sidoo kale uu ka dhaxeeyo Khilaaf dhanka Xuduuda ah oo keenay inay Imaaraadka dagaal dadban ku bilowdo Sacuudiga.

Wargeyska ayaa sheegay in Maxamed Bin Zayed uu Mareykanka la sameesanayo xiriir guud isagoo taas u marayo muuqaal xumeynta Maxamed Bil Salman illaa uu ka gaarsiiyo inuusan si rasmi ah ugu fadhiisan kursiga Boqortooyada Sacuudiga.

Ilo diblomaasiyadeed oo aad ugu dhow Maxamed Bin Zayed ayaa New York Times u sheegay inuu aad u dhibsanayey Sacuudiga tan iyo markii ay xiriir dhow la sameysteen Wakaaladda Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da.

Sidoo kale Bin Zayed ayaa la sheegay inuu Mareykanka u gudbiyey xog ku aadan in Maxamed Bin Salman uu ahaa ninkii amray dilka Warihii Sacuudiga ee Jamal kaasoo lagu dhex gowracay Safaaradda Sacuudiga ee Istanbul.

Sirtaan uu faafiyey wargeyskaan ayaa laga yaabaa inay xiisad ka dhex dhaliso Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ku mideysan hal xulufo balse ay hadda soo baxeyso inay jirto cadowtooyo  qarsoon oo aan la isku sheegeen.

Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa iska kaashaday dhawr xasarad oo ka dhex dhacday Carabta dhexdeeda oo ay ugu waaweyneyd go’doomintii lagu sameeyey dalka Qatar iyo Dagaalkii tooska ahaa ee lagu qaaday Wadanka Yeman.

Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa lagu eedeeyaa inay dabadhilif u yihiin Dowladda Mareykanka isla markaasna ay sameeyaan wax kasta oo uu Mareykanka doonayo.

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa horey ugu jees jeesay Dowladda Sacuudiga isagoo sheegay inuu isaga ilaaliyo Boqortooyada la’aantiisna aysan hal asbuuc jiri karin taas badalkeedana laga rabo inay lacago siiso Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Abu Dubai
caasimada@live.com