Warqad: Midowga Yurub oo xayiraadda ka qaaday maamulka Koonfur Galbeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa xayiraadda ka qaaday taageeradii uu siin jiray maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, islamarkaana ogolaaday in dib loo billaabo.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa taageerada laga joojiyey bishii December ee sanadkii tagay kadib rabshado ka dhacay magaalada Baydhaba intii lagu guda jiray doorashada maamulkaas, taasi oo ka dambeysay markii la xiray Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo ka mid ahaa murashaxiinta.

Booliska Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu eedeeyey waqtigaas inay ka qeyb galeen rabshadaha oo ay ku dhinteen dad badan oo u badnaa taageerayaasha Roobow.

Warqad kasoo baxday Midowga Yurub oo ku taariikheysan 31-ka May oo ay heshay Caasimada Online ayaa lagu sheegay in go’aanka xayiraadda looga qaaday Koonfur Galbeed ay ka dambeysay ballan-qaadyo ay sameeyeen maamulka iyo dowladda federaalka oo Midowga Yurub warqad u qortay bishii Febraayo. Lama sheegin waxa ay yihiin balla-qaadyadaas.

Warqadda kasoo baxday Midowga Yurub ayaa waxaa ku saxiixnaa wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo safiirada dalalka Jarmalka iyo UK ee Soomaaliya. Hoos ka aqriso warqadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com