Puntland oo go’aan adag ka gaartay kiiskii Caa’isho yar

Cali Muxiyaddiin CaliBy Cali Muxiyaddiin Cali

Garowe (Caasimada Online) – Maxkamadda racfaanka gobolka Nugaal ayaa saaka markale xukun dil ah ku riday 3 eedeysane oo loo heystay kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isho Ilyaas oo 12 jir aheyd.

Saddexda eedeysane ee la xukumay ayaa kala ah Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige.

Sidoo kale saddexda qof ee xukunka dilka ah lagu riday ayaa labo ka mid ah waxa ay yihiin Walaalo.

Qareenka difaacayay eedaysanayaasha ayaa horay rafcaan uga soo qaatay xukunkii hore, waxaana ay dawacdda u gudubtay maxkamadda sare ee Puntland oo leh go’aanka ugu dambeeya xukunnada ay ridaan maxkamadaha heer gobol.

Maxkamadda racfaanka ayaan xukunkan ku raacday tan darajada koowaad ee gobolka Nugaal, taas oo horay dil toogasho ah ugu xukuntay raggaasi.

Kiiskan oo marar badan dib u dhacay, ayaa loo soo xiray 10 qof, balse waxaa la sii daayay 7 ka mid ah, kadib markii lagu waayey wax dambi ah, halka 3-da kale uu maanta ku dhacay xukunkii ugu dambeeyay ee Maxkamadda racfaanka, kaas oo ah dil.

Caa’isho ayaa bishii February ayaa iyada oo Meyd ah, la soo hor dhigay gurigooda oo ku yaallay Gaalkacyo, kadib markii la’iskuugu daray kufsi iyo dil intaba.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
caasimada@live.com