PUNTLAND oo hanjabaad u dirtay ganacsatada Mudug

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo wareysi siiyey laanta afka Soomaaliga ah ee VOA ayaa ka hadlay dagaalka adag ee ay kula jiiraan dagaalyahanada Al-Shabaab iyo Daacish.

Sanyare ayaa shaaca ka qaaday inay xidida u siibeen shabakadihii Al-Shabaab ee ku sugnaa Mudug, isla-markaana ay weli wadaan howl-gallo amniga lagu xaqiijinayo.

Sidoo kale wuxuu hanjabaad u diray ganacsatada Mudug, gaar ahaan kuwa lacagaha baada ah siiya kooxaha argagixisada, isaga oo sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in nabadu ay muhiim u tahay ganacsiga, loona baahan yahay in laga wada-shaqeeyo amniga guud ee deegaanka.

“Walaal horta ganacsatadu dalka ayey wax ku leeyihiin waxa ay ku ganacsanayaana waa nabadda, haddii nabad la waayana ganacsan maayaan, nabadda waxa suganayana waa ciidanka dhiig-baa ku baxaya, dhaqaalahaa ku baxaya, dadaal-baa ku baxaya, inay ganacsatadu qeybtooda qaataan waa waajib Diini ah oo saaran,” ayuu yiri gudoomiyuhu.

Dhinaca kale wuxuu ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland inay qeyb ka qaataan dagaalkaka socda gobolka Mudug ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Halgankan lagula jiro kooxaha argagixisada waa inay qeybtooda ka qaataan, haddaa marka u cudur daareynay laakin argagixisadii halkan joogtay xididada ayaan u siibnay, lacagihii laga qaadi jiray iyo beentii loo sheegi jirayna aanu ku difaacnay hadda waxaa la rabaa inay is-gartaan oo ay fahmaan meesha loo socdo,” ayuu markale yiri Sanayare.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Meesha loo socdo waa in ganacsiga uu kordho, amnigu bato, argagixisadu yaraato,”.

Puntland ayaa maalmihii u dambeeyey xoojisay howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana bishii hore 18 ka tirsanaa ay ku toogatay magaalada Gaalkacyo.