Khilaaf saameyn xun yeeshay oo ka dhex-taagan talisyada ciidanka xoogga iyo Amisom

Jowhar (Caasimada Online) – Khilaaf xoog leh oo soo kala dhexgalay saraakiisha sare ee ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa wiiqay howl-galladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday gobollo uu ugu horeeyo Shabeellada Dhexe.

Barnaamijka Galka Baarista ee ka baxa VOA ayaa soo bandhigay in khilaafkaas uu qarxay markii ciidanka xoogga dalka ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Sida uu barnaamijkaan u sheegay sarkaal ka tirsan militeriga Soomaaliya oo ku sugan Shabeellada Dhexe khilaafkan waxa uu qarxay markii ay ciidanka xoogga Soomaaliya bilaabeen howlgal aan lagu war-gelin AMISOM, kaas oo uu hoggaaminayey Taliyaha guud ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

Intaas kadib waxaa la sheegay inuu qarxay khilaaf iyo kala aragti duwanaasho xoog leh uu u dhaxeeya saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, gaar ahaan kuwa Burundi oo ku sugan qeybo badan ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Sidoo kale barnaamijkaan waxaa lagu soo bandhigay xogta ku qorneed warqado ay is dhaafsadeen talisyada SNA iyo AMISOM, kuwaas oo Taliska Militeriga Soomaaliya uu uga dacwoonayo ciidamada Burundi ee ku sugan Shabeellada Dhexe.

Tasliska militeriga Soomaaliya ayaa ciidanka Burundi ku eedeeyey inay Al-Shabaab madadaalinayaan, oo caajis badan uu ku jiro howlgallada naadirka ah oo ay sameeyaan.

Hoos ka dhageyso barnaamijka oo diirada saaraya xogta khilaafka SNA iyo AMISOM