PUNTLAND oo garoonka Boosaaso kasoo celisay ku-simaha madaxweynaha

Boosaaso (Caasimada Online) – Diyaarad ay la socotay ku simaha madaxweynaha Soomaaliya, ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samayar, ayaa maanta laga soo celiyey garoonka magaalada Boosaaso, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, amar kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu soo celiyey diyaaraddaas oo markii hore ka baxday garoonka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale ilo wareedyada aan la hadalnay ayaa innoo sheegay in duuliyaha uu dalbaday inuu shidaal ku shubto diyaaradda, waxaana markaas kadib loo ogolaaday inay ku degto, garoonka, balse ma dajin wax rakaab ah, iyada oo kadib kusoo noqotay dhanka Muqdisho.

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa intaasi kusii daraya in Sacdiyo Yaasiin oo haatan dalka ka ah ku sime madaxweyne aysan markii hore socdaalkeeda ku wargelin Puntland, taas oo sababtay in madaxdu ay soo saarto go’aankan oo xiisad xoogan ka abuuray Boosaaso

Arrintan ayaa waxaa ka dhalatay shaqaaqo xoogan, waxaana lagu soo warramayaa inuu iska hor imaad ka dhacay magaalada Boosaaso, kaas oo u dhexeeyey ciidamada Puntland iyo kuwa doonayey inay galbiyaan Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar.

Diyaaradda ayaa sidday gargaar bani’aadanimo oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen abaaraha, waxaana ay ka duushay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Diyaaradda iyo Sacdiya ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Xaaladda ayaa weli kacsan, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Puntland iyo dhanka dowladda federaalka oo ku aadan dhacdadaasi.

Marwo Sacdiya Yaasiin ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda Puntland oo lagu soo doortay, balse is hortaagga lagu sameeyey ayaa kusoo aadaya, iyada oo horey Deni ugu hungoobay xilka madaxweynaha, kadibna uu waayey inuu helo xilka ra’iisul wasaaraha, isaga oo sidoo kale markii la magacaabay Xamza Cabdi aad ugu dhaliilay madaxweynaha.