Puntland oo jawaab kulul ka bixisay hadalkii taliye Shub

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiweli Mire Xirsi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa u jawaabay Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) oo laga soo doorto dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xildhibaan Mahad ayaa dhowaan sheegay ka qaaday in Al-Shabaab markii hore laga keenay Puntland, Galmudug iyo Somaliland, ayna tahay in hadda loo eryo dhanka degaanada maamuladaas.

Xirsi oo hadalkaasi naqdiyey ayaa ku baaqay in baarlamaanka Soomaaliya uu xasaanadda ka qaado Xidlhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaano (Shubka).

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Puntland ayaa tilmaamay in Shubka uusan istaahilin inuu xil usii hayo ummadda, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu xildhibaanada ka soo jeeda Puntland, Galmudug iyo Somaliland ugu baaqay inay arrintaan meel sare gaarsiiyaan, si go’aan looga qaato Xildibaan Mahad

“Xildhibaan Shubka inuu maanta yiraahdo, Shabaabka haloo didiyo Galgala iyo Waqoooyiga, waxaanu ka codsanaynaa guddoonka barlamanka in xasaanada lagala noqdo, kaasoo kale in xil loo dhiibo maba ahaynba,” ayuu yiri wasiir Cabdiweli Mire Xirsi.

Hadalka ka soo yeeray xildhibaan Mahad oo xilligaas ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa dhaliyey saameyn xoogan, ayada oo aad looga hadal hayo baraha bulshada ee Internet-ka, wuxuuna sidoo kale ku soo beegmay, ayada oo haatan ay socdaan howlgallo aad u culus.

Inta badan siyaasiyiinta Soomaalida ayaa si kulul isaga weerara dhanka warbaahinta, waxayna tani daba socotaa doodii adkeyd ee Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul oo isna weerar ku qaaday Macawiisyeda, taaas oo uu si weyn uga horymid maamulka gobolka Hiiraan.