Puntland oo ka jawaabtay dalabkii GALMUDUG

Hobyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in Puntland ay ka jawaabtay dalabkii kasoo baxay Galmudug ee ku aadanaa inay ka qayb-qaadato dagaalka kooxda Al-Shabaab looga xoreynayo koonfur gobolkaasi.

Galmudug ayaa dalabkan hordhigtay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, kaas oo isaguna  gaarsiiyay madaxda kale oo si deg-deg ah uga soo jawaabay.

Puntland ayaa qaaday tallaabadii ugu horreysay ee ay ku fulineyso dalabkaas, waxayna ciidamo gaar ah oo ka tirsan kuwa PSF-ta geysay magaallo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug, halkaas oo uu haatan ka socdo abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Ciidamadan ayaa ka qayb-qaadan doono howlgallada ay Galmudug ku dooneyso inay Al-Shabaab uga saarto degmooyinka ay ka heystaan gobolkaas oo dhaca bartamaha dalka.

Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada Puntland ee tegay degmada Hobyo ayaa sheegay in kaalintooda ay qaadan doonaan, si meesha looga saaro xoogag Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in haatan gobolka laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah oo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay iska kaashaan doonaan ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo maamullada dariska ah ee Galmudug iyo Puntland.

Labadaan maamul ayaa horay ugu heshiiyay inay iska kaashadaan amniga, maadaana ay ka kala taliyaan koonfurta iyo waqooyiga gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa haatan wajaheysa kacdoon culus oo uu haatan xoogiisu ka socdo inta badan gobollada Soomaaliya, kaas oo deegaano iyo degmooyin horleh looga qabsaday.

Dowladda federaalka oo kaashaneysa dadka deegaanka ayaa horkaceysa dagaalkan, wuxuuna madaxweynuhu sheegay in 2023-ka uu noqon doono sanadka xoreynta dalka.