‘Garsoorka dalka wuxuu ku hagaagaya’ qoddobkii uu diiday madaxweyne DENI

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo maanta ka qeyb-galay shir sanadeedka Garsoorka dalka ayaa shaaciyay sida keliya ee Soomaaliya ku heli karto garsoor dhab ah oo cadaali ah.

Guddoomiye Baashe ayaa sheegay in Garsoorka uu ka horeeyo wax walba, si uu cadaali u noqdana ay tahay in loo galo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab mid lamid ah.

“Waxaa cidwalba ka fileyna in loo wada guntado hirgelintiisa iyo dhaqan-gelintiisa (heshiiska Garsoorka) si ay umadda Soomaaliyeed u hesho Garsoor dhab ah, oo madax-banaan oo ugu adeega si cadaalad ah oo dhex-dhexaad ah,” ayuu yiri.

“Si aynu u helno amni oo umaddeena midnimadeeda usoo noqoto waxaa u baahanahay cadaalad iyo garsoor soo celin kara oo cadaaladaas umadda ugu adeegi kara.”

Waxa uu intaasi sii raaciyay hadalkiisa “Garsoorka wuxuu shardi u yahay oo ka horeeya waxkasta oo kale, taas marka la helo waxaa aaminsanahay inay waxkasta oo kale ay fududaanayaan oo qabsoomayaan.”

Guddoomiyaha ayaa sheegay in sanadihii dambe uu Garsoorku sameynayay isbedelo muhiim ah, balse weli loo baahan yahay in dagaal adag loo galo sidii uu dalka uga shaqeyn lahaa garsoor cadaali ah oo madax-banaan.

“Garsoorka wuxuu u baahan yahay runtii in loo galo dagaal lamid ah midka Khawaarijta, waayo cadaaladu waa masuuliyad wadareed saaran dhamaan saddexda Gole oo ugu horeeyo madaxweynaha Jamhuuriyada, Fulinta ay ku xigto oo Baarlamaankii uu ku xigo. Garsoorka intaas markay gacmaha wada-galiso ee iskugu tagto ayuu istaagi karaa Garsoorka.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in garsoorka oo hagaaga uu macnaheedu yahay sareynta sharciga iyo badbaada Soomaaliya, haddii xataa uu dalka ka dhaco khilaaf siyaasi ah oo culus.

“Dhismihii hay’addaha muhiimka u ahaa Garsoorka, sida Golihii adeega Garsoorka oo kale waxay ku xidhan yihiin labadii Gole ee kale. Haddii loo baahdo in la fuliyo xukunadii iyo awaamiirtii kasoo baxeysay Garsoorka waxa uu ku xidhan yahay labada hay’adood ee kale, marka fulinta iyo baarlamaanka iyo madaxweynaha oo ah odeygii guud ee dalka waxaa dhamaanteen nalooga baahan yahay sidii aan u xaqiijin laheyn in dalka uu helo Garsoorka uu mudan yahay.”