Dal Carbeed oo Soomaaliya siiyey 450 deeq waxbarasho

Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa dowladda Masar uga mahad-celiyey 450 oo deeq waxbarasho ah oo ay sannad kasta siin doonto Soomaaliya, kadib kulan ay Qaahira ku yeesheen Wasiirrada Waxbarashada Soomaaliya iyo Masar.

Wasiir Faarax oo heshiis dhanka iskaashiga tacliinta sare ah la saxiixday wasiirka Tacliinta Sare ee Masar, Dr. Ayman Caashuur, ayaa sheegay in Dawladda Masar ay siin doonto Soomaaliya sannad kasta deeq waxbarasho oo isugu jira cilmi iyo xirfado kala duwan oo heer jaamacadeed ah, oo gaaraya 450 arday.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasiir Faarax uu dowladda Masar uga mahad celiyay deeqahaan waxbarasho iyo garab istaagga weyn oo ay u fidiso ardayda Soomaaliyeed.

“Tani waa deeqdii ugu badnayd ee Soomaaliya ay ka hesho Masar,” ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Waxaa sidoo kale heshiiska ka mid ah in ardayda Soomaalida ee wax ka barata dalka Masar loola macaamilo sida muwaadiniinta Masaarida oo kale. Wasiir Faarax ayaa ballanqaaday in xulashada ardayda la siinayo deeqaha waxbarasho ay ku imaan doonto tartan iyo imtixaan.

Wasiir Faarax Sheekh ayaa aad u amaanay macalimiinta Masaarida ah ee wax ka dhigtay dugsiyo ku kala yaalla Muqdisho iyo deegaano ka tirsan Puntland.

Wasiir waxbarashada ee dalka Masar ayaa sheegay inay sannadkaan kordhinayaan macalimiinta loo dirayo Soomaaliya, iyagoo ka howlgali doona dhammaan gobollada dalka Soomaaliya, sidoo kalena ay ka qayb qaadan doonaan tababarka loo fidiyo macallimiinta Soomaaliyeed.

“Tani waxay ku soo beegantay xilli ay Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya si weyn ugu hawlgaleyso baahinta iyo tayaynta waxbarashada dalka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaarada waxbarashada Soomaaliya.