Shan kun oo Shillin Somali ah ayaa dhiigiisa loo daadiyay – Muqdisho iyo murugo kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Askari ka tirsan ciidamada Manashiibiyada ayaa gudaha degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho ku dilay Abuukar Sheekh Maxamed Mooraani.

Dilka marxuumankan ayaa waxaa la sheegaya in uu yimid kadib markii isaga iyo askariga uu soo kala dhex-galay isfaham wa’ kadib markii ay ku murmeen lacag canshuur ah oo askarigaas uu aruurinayay oo shan kun Shillin Soomaali aheyd.

Dadaal ay sameeyeen saraakiisha Booliska Soomaaliyeed ee degmada Xamarweyne iyo maamulka degmada ayaa waxa gacanta loogu soo dhigay askarigii geystay dilkaas.

Walaalkii marxuumka la dilay oo warbaahinta la hadlay ayaa masuuliyiinta dowladda federaalka ka dalbaday in cadaalad uu helo walaalkiisa loo dilay shan kun Shillin Soomaali ah.

“Canshuurta waa ku siina dukaanka wax kasoo baxsana ayuu ku dhahay, sidee ii dhihi kartaa illaa inta ayey isla soo bursadeen uu xabad sujuuda uga dhuftay. Cadaalad haddey jirto waxaa dowladda ka codsaneyna, madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaaraha guddoomiyaha baarlamaanka in ninkaan cadaalad naloo soo saaro,” ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay “Booliska waxa uu qoriga u haysta nabadgelyada. Laakiin Manashiibiyada inta uu qori kusoo qaato uu kugu dilo qorigii dhib weyn ayaa ku jirna.”

Dhinaca kale, Taliyaha Saldhiga Xamarweyne ee gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay cadaalada horgeyn doonaan askariga dilka geystay iyo hubkiisa.

“Waa isfahmi waayeen sidaas ayuu dilka ku yimid. Dilka markii uu geystay waa ku baxnay gacanta ayaa kusoo dhignay anaga iyo taliyihiisa. Gacanta ayaa ku hayna gacan ku dhiiglihii marka shacabka ha isdajiyaan.”

Guddoomiyaha degmada Xamarweyne oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa dhankiisa ballan-qaaday in ay daba socon doonaan kiiskaan illaa inta uu marxuumka ka helayo cadaalad.

“Gacan ku dhiiglihii gacanta lagu hayaa oo Saldhiga Xamarweyne ayuu ku xiran yahay, anagana waxaa marsiineyna cadaalada illaa maxkamada laga geynayo waa daba-jogeyna. Muwaadinkiisa iyo dadkiisa waxaa leenahay Allaha unaxariisto.”