Shabaab oo qarax ku dishay Injineero u shaqeynayey Kenya

Gaarisa (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday qarax miino oo ay Al-Shabaab ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, kaas oo sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogan.

Qaraxa oo ka dhacay deegaan u dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa lala beegsaday Shaqaale iyo Injineero ka tirsan hay’adda waddooyinka, xilli ay kusii jeedeen magaalada Bura, halkaas oo uu ka socda dhimsha waddada tareenka ee isku xireysa dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay gaari ay la socdeen shaqaalahaasi, waxaana goobta ku dhintay afar qof oo saddex kamid ah ay ahayeen Injineerada ku howlanaa dhismaha waddada, kuwaas oo xilligaas waday howlo kormeer ah, sida uu shaaciyay Booliska Kenya.

Mid kamid ah saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda dalka Kenya oo ka hadlay dhacdadaasi ayaa sheegay in qaraxa lagu weeraraday kolonyo ay la socdeen shaqaalaha, wuxuuna xaqiijiyay dhimashada afarta qof oo ay ku jiraan Injineeradii waday dhismahaasi.

“Gaari ay la socdeen afar ka mid ah shaqaalaha hay’adda waddooyinka Kenya ayaa lagu weeraray qarax miino, dhammaan afarta qof ayaa isla goobta ku dhintay,” ayuu yiri John Otieno oo ah sarkaal ka tirsan dowlada Kenya.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay baxsadeen dableyda weerarkan fulisay, balse ay haatan ku daba jiraan ciidamada ammaanka ee waddanka Kenya.

Sarkaalkan oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan uusan wax saameyn ah ku yeelan dhaq-dhaqaaqa iyo howlaha ka socda halkaasi.

Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, waxayna aheynd bishii December markii ay weerar kan lamid ah ku dishay laba sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada Kenya, kaas oo ka dhacay isla deegaanka maanta la weeraray.

Si kastaba, dowladda Kenya ayaa qayb ka ah howlgalka ATMIS ee Soomaaliya, waxayna ciidamadeeda ka howlgalaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee maamulka Jubbaland.