PUNTLAND oo ka laabatay go’aankii arrimaha shidaalka

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa ka laabatay go’aankeedii arrimaha shidaalka, waxayna taageertay heshiiska wadaagga wax soo-saarka shidaalka ee ay kala saxiideen dowladda federaalka iyo shirkadda Coastline Exploration.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, oo shalay hadalka ka jeediyay furitaankii kalfadhiga 51-aad baarlamaanka, ayaa sheegay in Puntland soo dhaweynayso ka faa’iidaysiga khayraadka Soomaaliya, islamarkaana ay diyaar u tahay in ay ka qaybqaadato sidii looga faa’iidaynsan lahaa khayraadkaas.

“Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa ka faa’iidaysiga khayraadka Soomaaliya, sidaa daraadeed waxay Puntland diyaar u tahay in ay ka qaybqaadato sidii looga faa’iidaynsan lahaa khayraadka dabiiciga ah,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Puntland ayaa horay uga digtay dhaq-dhaqaaqyada la xiriira shidaalka Soomaaliya ee waddo dowladda federaalka iyo in la fuliyo hindise sharciyeedka batroolka ee la ansixiyay 2020 oo ay ku tilmaantay mid sharci darro ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda federaalka ay maamul goboleedyada, oo ay Puntland ku jirto ka talo-gelisay heshiiska dib loola galay shirkadda Coastline Exploration. 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 21-kii October ogolaatay heshiiskii muranka badan dhaliyey ee u dhaxeeyey Soomaaliya Shirkadda Coastline Exploration, kaasi oo ay horey u diiday dowladdii madaxweyne Farmaajo.

Heshiiskaas oo uu saxiixay wasiirkii hore ee batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa waxaa diiday madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Roooble, balse shirkadda Shirkadda Coastline Exploration ayaa ku adkeysatay inuu yahay mid sharci ah oo aan laga bixi karin. 

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in dowladda ay shan qodob ka bedeshay heshiiskaas, ayada oo la kaashaneysa garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo sharci-yaqaanno caalami ah oo ku takhasusay arrimha heshiisyada noocaan ah kadibna dhameystirtay. 

Shirkadda Coastline Exploration ayaa shaaciay inay lacag dhan 7 milyan oo dollar ku shubtay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, oo qeyb ka ah heshiiska.

“Anagoo taageero ka helayna Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud, waxaan si toos ah u dhignay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya lacag dhan $7 milyan oo ah saxiixa heshiiska,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay shirkadda.