Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa si adag uga fal-celiyay nuxurka heshiiska shidaalka ee Soomaaliya iyo Turkiga, kadib markii ay si weyn u baaheen qoddobo kamid ah heshiiskan sanadkii hore la galay, kuwaas oo fasiraad qaldan laga bixiyay.
Wararka baahay ee Puntland ka jawaabtay ayaa dhigayay in dowladda Turkiga ay si weyn uga macaasheyso heshiiskan, ayna ka helayso dhaqaale aad u badan, kaas oo gaaraya 90%, halka Soomaaliya ay qaadaneyso 5% faa’iido wadaag ah, halka ay 5% kale noqonayso khidmad. Balse taas waa ka gedisan tahay xaqiiqda.
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxaa oo qoraal kooban soo saaray ayaa si weyn arrintaas walaac uga muujiyay, isaga oo sidoo kale su’aal ka keenay qaabka la dhigay qaybsiga faa’iidada kasoo xarooneyso heshiiska labada dowladdda.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud loo hoosaasiyay heshiiskan, isla markaana aanay jirin cid kale oo aragtay mara isaga laga reebo
“Qol Madow ayaa walaalkeen Xasan Sheekh Maxamuud lagu dubtay, Heshiis aan cidina arkin, cidina akhrin ansax ma noqon karaa? ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiir Juxa.
Caasimada Online, oo si dhab ah u baartay nuqulka la baahiyay, ayaa ogaatay in fasiraad qaldan laga bixiyay, kaasi oo ay baahisay warbaahinta Nordic Monitor, oo ay leeyihiin suxufiyiin Turkish oo mucaarad ah, kuna xiran kooxda Fethullah Gullen.
Nordic ayaa si khaldan u fasirray qodobka 90%, iyagoo ku andacoonaya in Turkigu qaadanayo 90% dakhliga shidaalka Soomaaliya. Balse xaqiiqdu waa in heshiisku oggolaanayo in shirkadda Turkiga ee Turkish Petroleum (TPAO) ay dib uga soo ceshato kharashaadka ay gelisay sahminta, qodista, qalabaynta iyo hawlgalka, iyadoo loo oggolaanayo inay ka qaadato ugu badnaan 90% soo-saarka sanadlaha ah ee shidaalka iyo gaaska.
Tani waa kaliya inta ay dib uga heleyso kharashaadkii ka baxay — ma aha faa’iidada rasmiga ah ee shirkaddu qaadanayso. Marka kharashaadkaas bixintiisa la dhameeyo, waxa haray ee la soo saaro waxaa loo yaqaan “faa’iidada shidaalka” (Profit Petroleum), taas oo si wadaag ah ay u qeybsanayaan Soomaaliya iyo shirkadda hawlgalka.
Heshiiska kuma cadda, sida loo kala qaadanayo faa’iidada, kadib markii shirkadda dib u hesho maal-gelinteeda.
Waxaa intaa dheer, Soomaaliya waxa ay heli doontaa illaa 5% royalty (gunno) laga bilaabo maalinta ugu horreysa ee soo-saarka — xitaa inta lagu jiro wajiga kharash-soo-celinta.
Sidaas darteed, Soomaaliya waxa ay bilaabaysaa inay faa’iido ka hesho heshiiska iyadoo aan wax khatar dhaqaale ah la saarin oo la xiriirta sahminta iyo qodista.

